Macalin Jose Mourinho oo Ka Hadlay Waxa Ka Hortaagan Man United


Jose Mourinho waxa uu qiray in Manchester United aysan la sameyn karin weerarka Liverpool iyo Manchester City sababo la xiriira taag daradeeda daafaca.

United waxa ay maanta u safri doontaa Burnley, haddii ay guuldarro kale soo gaadho waxa ay goosan kartaa Jose Mourinho

Qaab ciyaareedka Portugal-ka si weyn ayaa loo dhalleeceeyey laakiin 55 jirka waxa uu aaminsan yahay in daafaciiisa u baahan yahay is bedel si United horumar uga sameyso weerarka. “Waan isku dayyi doonnaa.

Waan isku dayyi donna, waad ogtahay,” ayuu yiri Mourinho.

Waa habraac halis leh gaar ahaan marka aad qalad daafac sameysid waxa ay kaa qaldeysaa ciyaarta.

“Kooxaha sida dhabta ah u weerarka fiican gadaal ayey ka adag yihiin.”


Mar la weydiiyey in aysan United u dheeli karin sida City iyo Liverpool: “Sida ay u ciyaaraan ayey u ciyaaraan, waxaan u ciyaarnaa sida aan u ciyaarno.

“Ma doonayain aan isku dayo wax waxaas la xiriira.

“Iyaga waxa ay yihiin sida ay yihiin anagana sida aan nahay ayaan nahay.

“Kulankii Tottenham aad ayaan u xoogganeyn laakiin kuwa naga soo horjeeday ayaa aad u wanaagsanaa, waxa ay dareemeen in ay halis ku jiraan.


“Laakiin laba qalad oo daafac ayaa muddo shan daqiiqo ah naga lumiyey ciyaarta.”

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*