Lacibkii Hore Rer Brasil Ronaldo Oo iibsaday Kooxda Ka Dhisan La Liga


Real Valladolid ayaa xaqiijisay in weeraryahankii hore ee reer Brazil Ronaldo uu qaatay boqolkiiba 51 kamid ah saamiga kooxda.


“Waxaan ku xisaabtamayaa inaan ka caawiyo Real Valladolid inay isku xoojiso horyaalka Primera, islamarkaana ay rajo ka yeelato tartamada waaweyn” ayuu yiri madaxweynaha cusub kooxda.

“Iyadoo ay ku jiraan urur shaqaale, haddana qof kasta wuxuu ku qanacsan yahay maalgashiga cusub ee kooxda.

Ciyaaryahankii hore ee Real Madrid iyo Barcelona ayaa kasoo muuqday xaflada ka dhacday magaalada Madrid halkaasoo uuu xilka kala wareegay madaxweynihii hore ee kooxda Carlos Suarez.


Ronaldo ayaa 51% hantida kooxda ku qaatay 30-milyan oo euro, iyadoo qeybta kale ay leedahay shirkad gaaar ah.

“Waxaan heysanaa ciyaartoyda ugu fiican ee kooxda guul gaarsiin kara” ayuu hadalkiisa raaciyay Ronaldo, kaasoo xaqiijiyay in Suarez uu sii wadi doono shaqada kooxda

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*