Maxaa Ka Jira In UEFA ay Dib u eegeysa Sharciga Goolasha Martida ah


UEFA ayaa dooneysa in ay dib u eegis ku sameyso sharciga goolasha martida ah ee tartamada qaaradda Yurub ka dib markii tababarayaasha qaarkood ay ku dhawaaqeen in arintaan faragalin lagu sameeyo.


Giorgio Marchetti, oo ah kuxigeenka xoghayaha guud ee xiriirka kubada cagta yurub, ayaa xaqiijiyay inay furi doonaan dood ku sabsan arinkaan.

xukunka loo isticmaalo goolasha marida ah ayaa waxaa ku kala qeybsan kooxo badan  oo kulug leh tartamada Champions League iyo Europa League.


“Tababarayaashu waxay ogyihiin in goolasha la dhaliyo xiliga martida aysan aheyn wax adag,” Marchetti ayaa sidaas u sheegay suxufiyiinta.

“Waxay codsanayaan qaarkood in sharciga dib loo eego taasina waa waxa aan sameyn doono mustaqbalka ayuu hadalkiisa ku daray.

“Waxay tixgelinayaan xaalada kubada cagta iyo isbedalada dhici kara, waxaan ka fakiri doonaa goolasha martida ah iyo sida loo isticmaali karo sanado badan.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*