Aqalka Sare Oo Iska Diiday Ka Qeyb Galka Kalfidhiga Furitaanka 4-aad ee Baarlamaanka


Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta qaadacay ka qeyb galay munaasabadii wadajirka aheyd ee furitaanka kalfadhiga 4aad ee Baarlamaanka Labada Aqal.


Munaasabadda furitaanka Kalfadhiga 4aad ayaa maanta oo isniin ah loo balansanaa in si wadajir ah labada Aqal ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare loogu furo kalfadhigooda 4aad ee taxanaha ahaa.

Qaar ka mid ah senator-ada Aqalka Sare ayaa  sheegay in kalfadhigooda aanu maanta furmi doonin, isla markaana maalinta berri ah uu furmi doono.


Labadii Kalfadhi ee u dambeeyay ayaa si wadajir ah loo furay kalfadhiyada Baarlamaanka Labada Aqal.

Hase ahaatee kalfadhigan oo hal mar uu furi lahaa Madaxweyne Farmaajo ayaa labo maalin kala furmi doona labada Aqal, taasoo muujineysa in labada Aqal xiriirkooda hagaagsaneyn.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Golaha Aqalka Sare uu muujinayo in aanu ku milneyn Golaha Shacabka.

Aqalka Sare oo ka kooban 54 Senator ayaa marka loo eego saameynta dhanka siyaasadda waxaa kaga xooggan Golaha Shacabka oo inta badan u idman howlaha la xisaabtanka hey’adaha dowladda, gaar ahaan Xukuumadda. Balse Waa Gollaha Kaliya ee u Taagan In ay Dalka ka difaacaan Dowladaha ku soo duulayo xaduudaha dalka .

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*