Aqalka Sare Oo Ka Hadlòay Sababihii ay U Diideen In ay ka qeeyb Galaan Furitaanka Barlamaanka


Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa ku dhawaaqay in ay qaadayaan tilaanooyinka deg deg ah oo wax looga qabanaayo Xaaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya ee ku aadan xiriirka sii xumanaaya ee dowladda dhexe iyo maamul goboleedyadda.


Kulan ay maanta yeesheen Guddiga Joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare ayay ka hadleen Xaaladda Amni daro ee ka jirta dalka iyo Hanaanka Federaalka.

Xildhibaanada Aqalka Sare waxa ay sheegeen in ay doorkooda Matelaada maamul goboleedyadda ay qaadan doonaan.

War kasoo baxay Aqalka Sare ayaa sidoo kale lagu sheegay in sababo Amni iyo Mid Madaxweeyne Farmaajo ay kaga baaqdeen furitaanka Kalfadhiga Afraad ee Aqalka Sare, islamarkaana ay dib kasoo sheegi doonaan xilli uu furmaayo Kalfdhiga Aqalka Sare.


Warka ayaa sidoo kale tacsi loogu diray dadkii maanta ay waxyeelado kasoo gaartay Qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay xarunta degmada Hodan ee Muqdisho

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*