FIIRSO:Maxaa Kala Heeysta Alshabaab Iyo Jabhada Macawiisleey ee Ka Dagaalanta Degaanada G/SH/DHEXE


Warbixnada Laga Helaayo Qaar Ka Mid ah  bulshada ka soo jeeda deegaanada gobalka Shabellaha dhexe  Ayaa Sheegay In ay Ku Dhawaaqeen Dagaal Ka Dhan ah Alshabaab Kuwaasi Oo Ka Taliya Deegaanada ay Daganyihiin Bulshadaasi.

Muuqaallo Laga Soo Duubay  ayaa Laga Daawaday Baraha Bulshada Waxaana ay Ku Dhaarteen in ay Dagaal ku qaadi doonaan Alshabaab.   


Mid ka mid ah Madax Jabhada Macaawiisleey ayaa yiri”Canugaaga Keen aan Dagaal galiyee Waxaan Ka Jiraa in aan aniga Difaaco Caruurtayda iyo Degaankayga”

 Shacabka Gadoodsan Waxaa sababay Kadib Markii ay Alshabaab ka dalbeen in ay keenaan Caruurta Si looga Dhigo Ciidamo Hase ahaatee Waxaa Go,aankaasi Ka Horyimid Bulshada Degaanka Waxaana ay Bilaabeen Dagaalo Dhuumaaleeysi ah Oo ay kaga hortagayaan Weerarada kaga imaanaya Alshabaab.


Dhanka kale Shacabka Qaatay Hubkooda ayaa Ka Dalbaday In ay u Midoobaan Bulshada Ka Soo jeeda degaanada Hirshabelle in ay iska dul qaadaan Al-shabaab Sidoo kale Waxa ay Baaq Taageero ah ka codsadeen Dowlada Somaliya Iyo Maamulka Hirshabelle,Iyo Wax garadka Ganacsatada Qurba joogta. Sidaa Waxaa Yiri Madaxa Jabhada Macaawiisleey.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*