Mahad Salaad “Xildhibaanada Aqalka Sare waa diideen inay ka qeyb galaan Furitaanka Kalfadhiga”


Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa qoraal uu bartiisa Facebook ku soo qoray kaga hadlay furitaanka kalfadhiga afaraad ee Baarlamaanka Federaalka, kaasoo qorshihiisa ahaa in si wadajir ah loogu furo Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare.


Mahad Salaad ayaa sheegay ayaa sheegay in Xildhibaanada Golaha Shacabka ee soo xaadiray ay aad u yaraayeen, isla markaana Xildhibaanadii Aqalka sare aysan xarunta imaanin, iyagoo diiday ka qeyb galka furitaanka kalfadhiga.


Sidoo kale waxaa uu sheegay in xarunta Dugsiga Tababarka Booliska Jen. Kaahiye ay soo buuxiyeen boqolaal haween ah oo laga keenay degmooyinka Gobolka Banaadir oo wata sawirada Madaxweynaha iyo calamada Gobolka Banaadir, taasoo ah dhacdo ugub ku ah furitaanka kalfadhiyada golayaasha Baarlamaanka.

Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa iska diiday inuu ka qeyb galo furitaanka kalfadhiga, waxaana la sheegay in munaasabad gaar u ah furitaankooda la qaban doono maalinta  ay qabsadaan.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*