Mamulka Jubbaland Oo Ku Dhawaaqay Hakinta Xiriirkii Kala Dhaxeeyey Dowladda Somaliya


Maamul Goboleedka Jubbaland ayaa ku dhawaaqay in sigaar ah ay u hakiyeen xiriirkii Wadashaqeyneyd ay la lahaayeen Hay’adaha kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.


War ka soo baxay Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Jubbaland Axmed Xasan ayaa lagu sheegay in la hakiyey dhamaan wadashaqeyntii Hay’adaha dowladda ay la lahaayeen.

“Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa fartay dhammaan hay’adaheeda dowligga ah in la hakiyo wadashaqayntii ay la lahaayeen hay’adaha iyo Wasaaradaha Dawladda Federaalka.


Tallaabadan ayaa daba socotay kadib markii Madaxda Maamul goboleedyada iyaag oo wada jira ay shaaciyeen inay xiriirkii wadashaqeyneyd u jareen dowladda Soomaaliya oo ay eeydeyn ballaaran ay u jeediyeen.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*