Madaxweeyne Waare”Amniga Muqdisho Gacanta Dowlada Kuma Jiro”


Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare  ayaa  sheegay in uu gacanta ka baxay amniga Muqdisho.


Wuxuu sheegay dowladda federaalka in looga baahan yahay in ay ka falceliso amni darada ka jirta magaalada Muqdisho, hadii aanay sidaasi sameyna ay tahay masuuliyad daro cad oo la dayacay.

Madaxweyne Waare ayaa sheegay inay walal badan ay ka qabaan amniga Muqdisho, xildhibaanada Baarlamaanka ayuu ugu baaqay inay is ilaaliyaan oo ay aad u taxadaraan, maadaama uu tilmaamay inay korortay amni darada.


“Magaalada qad cagaaran ayaa u yaalla, amniga faraha ayuu ka baxay walwal badan ayaan ka qabnaa, xildhibaanada wixii hada ka dambeeya is ilaaliya, waa hadal uu sheegay nin oday ah oo weyn, xaalada magaalada way is bedeshay”. Ayuu yiri Madaxweynaha Hirshabeelle.

Madaxweyne Waare ayaa wuxuu kale uu tilmaamay in ay walwal ka qabaan ciidanka NISA oo uu sheegay in la kala diray oo qaarkood lagu daray ciidanka Booliska, halka qaarka soo harayna uu sheegay in Hirshabeelle ay ku dhibayaan Jowhar iyo Beledweyne.

Si kastaba Ha aatee Hadalka ka soo yeeray Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa wuxuu muujinayaa inuu xoogeystay khilaafka u dhaxeeya dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada oo sababtay in Madaxweynaha Soomaaliya uu madaxda dowlad goboleedyada isugu yeero kulan wadatashi ah 17 ilaa 18 bishan, kaasi oo lagu qabanayo Muqdisho.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*