Prof Gaandi”Dowladda Waxay Ku Mashquulsantahay Bur-Burinta Federaalka


XIldhibaan Prof Maxamed Cabdi Gaandi oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa ku dowladda Soomaaliya ku eedeeyey in ay ku howlan tahay duminta Dowlad Goboleedyada dalka ka jira,isla markaana ay jeceshaya in dowladdu in ay Madaxda Maamul goboleedyada ula dhaqanto sidii inay yihiin guddoomiyeyaal degmo


Isaga oo sii hadlayay ayuu sheegay inay meesha ka baxday in ay  wadatashi kala sameyso Go’aano kasta oo ay gaareyso Madaxda Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada,waxana uu shaaciyey in wax walba oo ka dhasha Go’aankii shirka Kismaayo ay eedeeda qaadaneyso dowladda Federaalka Soomaaliya.


Ugu danbeyntii XIldhibaan Prof Maxamed Cabdi Gaandi waxa uu sheegay Hadalkii uu maalmo ka hor Magaalada Kismaayo ka sheegay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam(madoobe) ee ahaa in dowladda qalqal gelin amni ka wado deegaanada Jubbaland uu yahay mid dhab ah.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*