Ciidamo isugu jira Ajnabi iyo Soomaali Oo Weerar Qorsheysan Ka Fuliyay Mubaarak


Ciidan isugu jira Soomaali iyo cadaan ayaa xalay saqdii dhexe waxa ay weerar qorsheysan ka fuliyeen degaanka Mubaarak ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida aysheegeen saraakiil ammaanka qaabilsan Dalka.

Ciidanka cadaanka ah oo ay la socdeen kuwa Bancroft ayaa marka hore diyaaradihii ay wateen waxa ay uga degeen banaanka Mubaarak, waxa ayna gudaha u galeen iyaga oo lugeynaya degaanka.

Dadka degaanka ayaa waxa ay sheegeen in ciidanka cadaanka ah iyo kuwa Soomaalida ay halkaasi kula dagaalameen Al Shabaab oo la sheegay in ay hayeen xogta weerarka, islamarkaana dhinacyadan uu dhexmaray dagaal culus.


Khasaaraha ka dhashay dagaalkan ilaa hadda si dhab ah looma oga balse waxaa la soo warinayaa in uu jiro khasare kala duwan oo soo kala gaaray dhinacyadan dagaalamay iyo dadka rayidka ah.


Warar kale  ayaa  sheegaya inta uu hawlgalkan socday in ay jirtay duqeyn ka dhacday degaanka, taasi oo ay fuliyeen diyaaradaha duuliyaha laheyn ee ay wateen ciidanka cadaanka ah ee Mareykanka.

Sidoo kale Dad goobjoogayaal ah ayaa waxa ay sheegeen goobihii xalay lagu dagaalamay in saakay ay ku arkeen meydadka Afar askari oo si dhab ah aan loo ogeyn halka ay ka tirsan yihiin.

Dhinaca kale Hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa qoraal kooban oo ay soo dhigtay barta Twitter-ka waxa ay ku sheegtay hawlgal xalay saq dhexe ka dhacay Mubaarak inay ku dileen xubin ka tirsan Al Shabaab, sidoo kalena lagu dhaawacay kuwa kale.

NISA ayaa sidoo kale qoraalkeeda ku sheegtay xubnaha ay hawlgalkan ku bartilmaameedsadeen inay ku hawlanaayeen weeraro ay ka geystaan magaalada Muqdisho.Hase ahaatee  xaalada ayaa ah  mid degan, islamarkaana dadka shacabka ah ay si caadi ah u bilaabeen hawlahooda caadiga ah

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*