Madaxweyne Farmaajo Oo Safarkii 37aad Oo u Ambabaxay Magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya


Madaxweynaha Dowlada Federalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow ka ambabaxay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya iyagoo ku sii jeeda magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya.

Shir ay isugu imaanayaan Madaxda IGAD ayaa lagu wadaa inuu ka dhaco magaalada Addis Ababa, kaasi oo looga hadli doono xaalada dalka Eriteria iyo sidii uu mar kale xubin uga noqon lahaa Urur gobaleedka IGAD.


Shirka Urur goboleedka IGAD ayaa ka duwan Shirarkii hore, waxaana lagu waddaa in maanta uu ka qeyb galo Madaxweynaha Eritrea, islamarkaana lagu ansixiyo xubinimada dowladda Eritrea ee IGAD.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii Madaxda wadamada Somaliya, Itoobiya iyo Eriteria heshiis iskaashi ay ku kala saxiixdeen magaalada Asmara.


Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa dadaal dheer ku bixisay sidii loo dhamayn lahaa colaada mudada dheer u dhaxaysay wadamada dariska ah ee Jabuuti iyo Eriteria, iyadoo shalay lagu guulaystay in dib loo furo xadka labada dal oo xirnaa mudo 20-sano ah.

Tan Iyo Markii La Doortay Madaxweeyne Farmaajo ayaa Galay Safaro aad u Tiro Badan Inkastoo uu Madaxdii Isaga Ka Horeeysay Ku Mucaaradi Jiray Safarada ay Galayaan.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*