Maxay Kawada Hadleen Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Iyo Xildhibaanada iyo Waxgaradka Beesha Mudulood


Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan Is arag ah  Ugu sameeyay hoyga uu ka degan yahay magaalada Muqdisho Xildhibaanada Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka, Wasiiro, Odayaasha iyo Waxgaradka Beesha Mudulood.


Kulankan ayaa ah mid kala warqaadasho looga hadlayo xaalada dalka, waxaana xubnaha goobjooga ah ka mid ah Wasiirka Amniga Maxamed Abukar Islow Ducaale, Wasiir Kuxigeenka Dekadaha Cusmaan Daallo, Xildhibaano iyo Senatarada Beesha Mudullood ku matala Baarlamaanka Labada Aqal.


Ilo ku dhow dhow kulanka ayaa sheegaya in xaaladaha looga hadlayo ay ka mid tahay siyaasadda dalka iyo deegaanada Beesha degto oo inta badan gacanta ugu jirto Al-Shabaab iyo dhibaatooyinka ka jira.

Madaxweynihii hore Xasan Sheekh ayaa tan iyo markii uu dhamaadkii bishii hore dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho waxaa uu kulamo qaabilaad u badnaa kala warqaadasho la qabsanayay siyaasiyiinta, odayaasha, Waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Xasan Sheekh ayaa qorshaha uu u yimid magaalada Muqdisho ahaa sidii uu dhisi lahaa Xisbi ballaaran oo ay ka dhex muuqdaan Xildhibaanada saaxibadiisa ee ku jira labada gole.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*