Muxuu yahay farqiga u dhaxeeya Laacibiinta Messi Iyo Ronaldo?


Suaasha Taagan ayaa ah Waa Qofkee ciyaaryahanka ugu weyn ee qarnigan kubadda cagta Lionel Messi ama Cristiano Ronaldo? Waa su’aasha taageerayaasha kubada cagta kala qeybisay tobankii sano ee la soo dhaafay.

Labada xiddig waxay wadaageen abaalmarinta Ballon d’Or 10kii sanno ee ugu dambeysay, iyadoo midkoodna uusan muujin caalamad hoos u dhac ah mudadaas.

Iyadoo min shan jeer ay wadaagaan abaal-marinta Ballon d’Or, magacooda iyo sharaftayda waxaa kaga sii weyn in la ogaado midka wanaagsan.

Jawaabta markasta waa mid dood dhalisa, iyadoo ay ku xiran tahay hadba qofka aad la hadlaysid sida uu u fahmo ujeedkaaga.


Laakiin nasiib wanaag sagaal ciyaaryahan oo nasiib u helay inay la ciyaareen Messi iyo Ronaldo labadoodaba ayaa inta badan fakirkooda la dhageystaa.

Ciyaartoyda Angel di Maria, Gerard Pique, Henrik Larsson iyo Deco ayaa nasiib u yeeshay inay qolka labiska la wadaagaan Messi iyo Cristiano intii lagu jiray xirfadooda ciyaareed.


Taves oo sidookale la ciyaaray labada nin ayaa dhawaan ka hadlay farqiga dhabta ah ee u dhaxeeya labada ciyaaryahan.

Carlos Tevez ayaa labo sanno ku qaatay Manchester United, isagoo Ronaldo la joogay, halka sidoo kale xiddiga reer Argentina uu xulka la matalay Lional Messi.

“Cristiano had iyo jeer wuxuu joogi jiray qolka jimicsiga ka dib tababarka, wuxuu marwalba xooga saaaraa sidii uu tababar iyo farsamo gaar ah u baran lahaa” ayuu yiri Tevez.

“Messi, marnaba ma arkeysid isagoo jimicsiga kaligiis kujira,” ayuu yiri Tevez, waana taas farqiga u dhaxeeya labada shaqsi.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*