Wadooyinka Muqdisho Inta ay Ka Taliso Dowlada Somaliya Oo Biro Lagu Jaray


Waxaa Jiro In Magaalada Muqdisho Biro dhaadheer ayaa lagu jaray Jid cadayeyaasha ku yaalla qaar ka mid ah degmooyinka Magaalada Muqdisho  Waxaa Sheegay qaar ka mid ah Darawaladda ku shaqeysta Mootooyinka ee Isticmaala  Wadooyinka Muqdisho.

Dadka aan u shaqeyn dowlada ee aan heysan Aqoonsiga dowladda ayaa mari jiray Wadooyinka  hadda Biraha lagu jaray, Maadaama Wadooyinka ka agdhow Xarumaha dowladda aan la marin Karin  aqoonsi dowladeeda la’aantiisa.


Ujeedada ka dambeysa in wadooyinka Magaalada Muqdisho ciidamada ammaanka ay xiraan ayaa waxaa ay tahay in la adkeeyo Ammaanka xarumaha dowladda iyo Xarumaha degmooyinka gobolka Banaadir.


Gaadiidka uma suuragaleyso inay laamiga ka leexdaan, sababtoo ah dhamaan jidcadyaasha xaafadaha dhexmara ayaa lagu jaray Biro si uusan gaari u marin.

Sidoo kale ciidamada ayaa gooyay jidcadyaasha mara wadada ka timaada Isgoyska Howlwadaag ee sida tooska ah u gasha Isgoyska Sayid.

Sidoo kale gaariga Isgoyska  Banaadir ka soo baxa kama leexan karo wadada illaa uu ka tago Isgoyska Tarabuunka.

Qorshahan ayaa looga Dan leeyahay sida ay sheegeen Saraakiil ka tirsan Hay’addaha ammaanka in lagu suggo amniga Muqdisho, sidoo kalena gaadiidka aysa ka baxsan Koontaroolada ciidamada la istaajiyay ee gaadiidka lagu baaraayo.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*