Xildhibaanada Mamulka Galmudug Oo Ka Yeelanaya Dood Mooshinka Guddoomiyaha Baarlamaanka


Wararka laga Helayo Galmudug ayaa Sheegaya In Xildhibaanada baarlamaanka maamulka Galmudug uu Maanta  kulan ku yeelanayaan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud, sida ay  sheegeen mudanayaal ka tirsan baarlamaanka.

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa xalay lagu wargeliyay in maanta oo Arbaco ah uu jiro kulanka baarlamaanka, islamarkaana ajandaha kulanka uu yahay ka doodista mooshinka ka yaalla guddoomiyaha baarlamaanka.

Mudanayaal gaaraya 89 ayaa waxa shalay mooshin xilka qaadis ah u gudbiyeen guddoomiye ku-xigeenka Koowaad Xareed Cali Xareed, waxayna tilmaameen inuu shaqadiisa gabay guddoomiyaha baarlamaanka Cali Gacal Casir.


Guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug  ayaa  sheegay mooshinka dadka gudbiyay in aysan aheyn xildhibaano, balse ay yihiin dhalinyaro xaafadaha laga soo uruuriyay. Sida uu Hadalka u dhigay.


Wararka laga  heleyo magaalada Dhuusamareeb ayaa waxa ay sheegayaan in xalay xildhibaanada baarlamaanka ay kulamo gaar gaar ah ku yeelanayeen magaalada Dhuusamareeb oo ay kaga hadlayeen mooshinka yaalla Hase ahaate lama Garanayo Waxa ay Ka Yeeli Doonaan.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*