Madaxweynihii Hore Cabdi Maxamuud Cumar Oo Maanta La Soo Taagayo Maxkamad


Wararka la helayo ayaa sheegaya in maanta maxkamad la soo taagayo madaxweynihii hore ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar.

Xeer ilaalinta qaranka dalka Itoobiya ayaa Cabdi Maxamuud waxa ay ku soo oogayaan kiis dacwadeedka ka yaalla maxkamadda oo ay ka mid yihiin gabood fal iyo arrimo kale oo la xiriira barakicinta dad shacab ah.


Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar ayaa qareenada difaacaya waxa ay sheegayaan inay diyaar u yihiin in kiiska xeer ilaalinta ay ku soo oogeyso ay ka difaacaan.


Sidoo kale Ehelada Cabdi Maxamuud ayaa  sheegay in ay wax wanaagsan ka rajeynayaan maxkamadynta maanta la filayo inay ku dhacdo wiilkooda iyo xubno kale oo ka tirsanaa maamulkiisa.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*