Sarkaal Ka Tirsan Ciidamada Dowladda Oo Ku Geeriyooday Shil Ka Dhacay Sh/Dhexe


Wararka Laga Helayo gobolka Shabeellaha dhexe ayaa  sheegaya in Shalay uu shil gaari  ka dhacay deegaano hoostaga degmada Mahadaay Waxaana ku geeriyooday Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya.


Sarkaalka geeriyooday oo lagu Magacaabi jiray Muqtaar Cali Xuseen ayaa waxaa uu shil ku galay gaarigiisa inta u dhaxeysa degmada Mahadaay iyo deegaanka buurane,sida ay sheegay Gaashaanle sare Cumar Cali Cadow.

Sidoo kale Waxa uu sheegay in Muqtaar Cali Xuseen ee shilka gaari ku geeriyooday uu ahaa Taliyaha horin ka tirsan Guutada labaad ee Ciidamada xoogga dalka soomaaliya,isla markaana shilkaasi uu dhaawac culus ka soo gaaray mid ka mid ah ilaaladiisa.


Warar soo baxayey ayaa waxa ay sheegayeen in ka hor inta uusan rogmanin gaariga uu saarnaa rasaas lagu furay balse Gaashaanle sare Cumar Cali Cadow ayaa warkaasi been abuur ku tilmaamay,waxana uu sheegay in mudo dhowr bilood ka hor ay dhacdadaas aheyd balse dhaawac ka soo gaarey laga daweeyey.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*