Waa Sidee Xaalada Shaqo ee Isbitaalka Guud Magaalada Jowhar ?


Isbitaalka guud ee magaalada Jowhar oo ay jiifaan bukaanno laga kala keenay qeybaha uu ka Kooban Yahay gobolka  SH/Dhexe  iyo deegaannada ku dhaw dhaw, ayaa waqtigan halis ugu jira in uu gabi ahaanba xirmo, sidda ay Shabakada Ceelbarafonline.com  u sheegeen Shacab Iyo Qaar ka Tirsan shaqaallaha isbitaalka Magaalada Jowhar.


Bukaannada jiifa isbitaalka  ayaa sheegay in aysan helin daryeelkii caafimaad oo ay u baahnaayeen oo idil, madaama dawooyinka ay isticmaalaan gabi ahaanba ka soo iibsadaan farmashiyayaasha gaarka loo leeyahay ee ka baxsan isbitaalka.

Sidoo kale ”Hay’addi gacanta ku haysay   isbitaalka Magaalada Jowhar Inter sos Waxa ay Dhawaan Sheegtay in ay Ka Bixi Donaan  Hase ahaatee  isbitaalku Waxa uu qarka u Saaran yahay in uu xirmo” 

Maxaa Dhibaatooyin ah Oo Ka Dhex jira Isbitaalka Magaalada Jowhar

Waxaa Maalin Maalmaha Ka Mid ah La keenay Bukaano Soo Dhawacmay ,Kadib Markii lagu Wargeliyay Dhaqtarka qaliinka ayuu Sheegay In uusan Dawo Qaliin ah u  Heeyn uu Ku Qalo Bukaanka Dhawaaca Qaba Balse Maalintii Kadib Waxaa Isbitaalka Ku dhex Geeriyooday Bukaankii Dhawaca qabay Oo aan Helin Daryel Cafimaad.

Dhacdo kale Waxaa  Jirtay Ruux Haweeney ah in aydana la keenay  Isbitaalka Si Loogu Helo Gar-gaar Caafimaad Waxaana Warbxinta Lagu Yiri Weey dhimatay Haweeynaydii Waxaana ay u dhimatay Daryeel la,aan Caafimaad. “Mar Wax Laga Weeydiyay Dhaqaatiirta Ka shaqeeysa Isbitaalka Magaalada Jowhar Waxa ay sheegeen in aysan Wax Dawo ah Heeynin”

Dhinaca kale Dadka Qaarkood Waxa ay Sheegeen In Madaxda ay Hey”ada Uga Kireeysan Yihiin Baabur aysan Dan Ka Laheeyn In ay Kormeeraan Xaalada Shaqo ee Isbitaalka Waxaana ay Fiirsanayaan Oo Kaliya dhaqaalaha Ka Soo Galayo Gawaarida uga Kireeysan Hey”ada”Sida Waxaa Yiri Qof ka Mid shacabka Reer Jowhar.

Si kastaba Ha ahaatee Mas,uulliyiinta Mamulka Hirshabelle Sida Wasaarada Caafimaadka Hirshabelle Iyo Maamulka G/SH/Dhexe ayaan Ka War qabin Dhibaatooyinka ka jira Isbitaalka Magaalada Jowhar.

Ugu danbeyntii, Waxa ay Baaq u dirayaan Wasaarada Caafimaadka Dowlada Dhexe Somaliya In ay Wax Ka qabato Dhibaatooyinka ka Taagan Isbitaalka Magaalada Jowhar.

 

 

W/diyaariya 


Liibaan maxamed 

balcad110@hotmail.com

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*