Heeyb sooca Ma Aroos Qaran ayuu u Baahan Yahay Mise Siyaasad Qaran?


Todobaadkii hore, magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay dil aad looga naxay oo loo gaystay nin gawaarida samayn jiray oo la yiraahdo Axmed Mukhtaar Saalax (Axmed Dowlo).

Sababta loo bartilmaameedsaday ayaa la sheegay in ay tahay wiil uu adeer u yahay oo jeclaaday gabar ka soo jeedda mid ka mid ah qabaa’ilka ku xooggan Muqdisho Balse Mid Ka Mid ah Qabailkaasi Mudulod Abgaal Cismaan uu Ka soo Jedo Aabaha Dhalay Gabadha ayaa Siiyay Si Sharaf ah Sida ay  Diinta Islamka Iyo Dhaqanka Somaliyeed ah Balse Waxaa Falcelin Aad u Xun Ka Keenay Gabadha Hooyadeed Iyo Qabiilka ay ka Soo jeedo Hooyada Murusade.

Dareen kala duwan ayey dadka iyo siyaasiyiintaba ka muujiyeen dilkaas, waxaana soo badanaya baaqyo ka imaanaya siyaasiyiin iyo xildhibaanno, kuwaasoo ah in aroos qaran loo sameeyo lamaanaha uu dartood u dhacay dilkan foosha xun.

Haddaba qormadan waxaan ku eegeynaa bal in arrintan ay u baahan tahay istaraatijiyad intan ka mug weyn.

Aroos qaran mise siyaasad qaran?

Muna Xasan Maxamed waxay ka mid tahay ururrada dhallinyarada ee dalka ka jira iyo dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha, waxayna qabtaa in sharci ay dawladdu ka soo saarto gabood-fallada noocan ah.

“Meesha ay aroos qaran kaga dhawaaqayaan waxaan ka sugaynay in ay sharci qaran la yimaadaan, dadkaanna wada noolaansho loo abuuro. Dadkii uu marxuumku ka dhintay waxay iyagana u baahan yihiin in noloshooda la damaanad qaado”.

Waxay kaloo u aragtaa in aroos qaran uusan ahayn wax sii jiri kara.

“Dhallinyaradaas bulshadii ay ka yimaadeen dhibaato ayey kaga yimaadeen, waa la is dilay, dhiig ayaa daatay, qof nool ayaa la gubay oo ku maqan, marka xal ma aha in aad xaflad u dhigtid. Waxay u baahan yihiin mustaqbal ay ku noolaadaan. Berri ayaa loo imaanayaa waana laga furanayaa. Kuwii shalay dilay waa joogaan. Aniga aad ayaan uga soo horjeedaa aroos qaran in xal laga dhigo” ayey tiri Muna.

Xildhibaan Cabdi Shire cayaar jecel oo bartiisa Facebook soo dhigay qoraal uu ku sheegayo inuu la kulmay lamaanaha uu guurkooda dhibku ka billowday wuxuu qabaa in labadaas qof ee dhallinyarada ah la saacido.

Dhaqan aan laga hadlin

Dilka marxuumka wuxuu banaanka u soo saaray arrin aan aad looga hadlin oo ah in haybsooc iyo faquuq uu ka dhex jiro bulshada dhexdeeda, sidaasoo ay tahayna aan laga hadlin.

Muna iyo dad kaleba waxay qabaan in Soomaalidu fikradahaas ku dhaqmaan marka ay dalka gudihiisa joogaan, laakinse marka qurbaha la tago ay arrintu sidaa ka beddelan tahay.

“Dhallinyarada Soomaliyeed marka ay dibadaha tagaan waxay guursadaan dad ajnabi ah oo aan nagu dhaqan, diin iyo afba ahayn. Waa ognahay in dhaqan ahaan la is yasi jiray, laakin ma jiri jirin in qof inta uu qof guursaday la gubay ee adduunyada lagu ciqaabay” ayey tiri.

Sharci Qaran

Dad badan oo siyaasiyiin iyo bulshada rayidka ah isugu jiraba waxay xalka u arkaan in la helo sharci qaran oo lagu dhaqo haybsooca iyo xadgudubyada xagga isirka ku salaysan.

Haddaba maxay tahay in sharcigaas aasaas looga dhigo ama lagu daro?

“Waxaan ku talinayaa in aasaas looga dhigo dhinaca diinta islaamka oo laga fiiriyo diinta islaamku waxa ay ka qabto, iyo guurka waxa uu yahay. Waa in diinta la waafajiyo. Dadku waxay u baahan yihiin sharci qaran oo diin ku salaysan oo xad iyo xal u noqon kara in ay wada noolaadaan. Aroos qaran micno ma samaynayo” ayey tiri Muna Xasan Maxamed.


Dilka Axmed Dawlo

Khamiistii ayey ahayd markii si foolxun loogu dilay xaafadda Towfiiq ee magaalada Muqdisho marxuum Axmed Dowlo oo aan wax shaqo ah ku lahayn sababta dilkiisa. Baangado, eebooyin, iyo ugu dambayn dab iyo baasiin ayey isugu dareen dad ilaa shan qof gaaraya oo ugu yaraan laba ka mid ah la sheegay inay dumar ahaayeen.

Sababta la sheegay in loo dilay ee ay cid kasta ka naxday ayaa lagu sheegay in wiil ay qaraabo yihiin oo ka soo jeeda beesha jareer weyne uu gabar ka guursaday beel ka mid ah kuwa ku xooggan Muqdisho.

Wararku waxay sheegeen in sidii dhaqanku ahaa ay gabadha adeerradeed bixiyeen, laakin abtiyaasheed oo iyagana ka soo jeeda beelaha ku xooggan Muqdisho ay ka biyo diideen, sidaa darteedna ay bar-tilmaameed ka dhigteen Axmed Dowlo oo hawlmaalmeedkiisa ku jiray.


Marxuumka ayaa ifka uga tegey laba xaas, 12 carrur ah, iyo aabihiis oo waayeel ah, Waxaana lagu aasay qabuuraha Barakaat ee magaalada Muqdisho.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*