Dowladda Soomaaliya oo la wareegeysa cutubkii u horeeyay Ciidamadii uu Tababaray Turkiga


Dowladda Soomaaliya ayaa maanta la filayaa inay la wareegto cutubkii u horeeyay Ciidamada uu tababaray Turkiga ee ku jira Saldhigga Milateri ee ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho.


Turkiga ayaa u tababaray dowladda Soomaaliya kumanaan askar oo la siiyay tababar casri ah, iyadoo horay dhowr cutub tababar loogu soo gabagabeeyay xerada.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka qeyb galaya munaasabadda lagu wareejinayo Ciidamada uu Turkiga tababaray oo qeyb ka noqon doona Ciidanka xoogga dalka.

Ammaanka Waddooyinka soo gala Saldhigga Turkiga illaa qeybo ka mid ah degmooyinka Dharkeenley iyo Wadajir ayaa la adkeeyay, iyadoo munaasabadda maanta lagu wareejinayo Ciidamada loo tababaray dowladda ay goobjoog ka noqon doonaan qaar ka mid ah Safiirada Beesha Caalamka u fadhiya Muqdisho


Turkiga ayaa dowladda Soomaaliya ka taageera dhinacyo badna, iyadoo Safaaradda ugu weyn ee Afrika uu ku leeyahay magaalada Muqdisho.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*