Maxay Kawada Hadleen Taliyaha NISA Iyo Mukhtaar Roobow


 


Taliyaha nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya Xuseen Cismaan Xuseen iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda K/ Galbeed oo shalay gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa kulan xasaasi ah oo saacado badan socday waxa ay la qaateen Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuumansuur oo ah Musharrax u taagan xilka Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Mas’uuliyiintan ayaa ka wada hadlay arrimo la xariira Musharraxnimada Sheekh Mukhtaar Roobow oo dhawaan DFS ay hakisay Musharraxnimadiisa.


Lama oga waxyaabihii ka soo baxay kulanka iyo in ay isku afgarteen qodobadii ay ka wada hadleen taliyaha nabad sugida iyo iyo Sheekh Mukhtaar Roobow.

Kulakan ayaa ku soo aadaya, xilli uu  shalay si rasmi ah Roobow ugu dhawaaqay Musharraxnimadiisa, kadib munaasabad ka dhacday magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*