Ganacsatada Muqdisho Oo Ka Cabanaya Dhac Ay Geeysanayan Koxo Ku lebisan Dharka Ciidanka


Ganacsatada magaalada Muqdisho ayaa ka cabanaya dhac iyo boob ka socda suuqa Bakaaraha, kaasoo ay mas’uul ka yihiin rag ku hubeysan dharka ciidamada dowladda, iyagoo ugu baaqay dowladda inay si degdeg ah wax uga qabtaan.

Shir ay isugu yimaadeen Ganacsatada ayaa waxay ku sheegeen in xaalada Suuqa Bakaaraha uu xilligan marayo meel aad u xun, waxaana ay caddeeyeen inay suuqa ku soo bateen burcad hubeysan oo dharka ciidanka wata, kuwaasoo dhac u geysanaya goobaha ganacsiga iyo dadka kale ee suuqa u soo adeeg doonta..

Gudoomiyaha Ganacastada Suuqa Bakaaraha Xasan Mirre Dhiif ayaa sheegay in ammaanka Suuqa Bakaaraha uu sii xumaaday, waxaana uu sheegay in ganacsatada mar waliba wajahayaan dhac ,boob iyo cabsi galin ay kala kulmayaan kooxo burcad ah.


Waxaa uu ugu baaqay dowladda Soomaaliya inay il gaar ah ku fiiriso xaalada Suuqa Bakaaraha, isla markaana ay si degdeg ah wax uga qabato amni darada baahsan ee Suuqa ka jira maalmahan.


Inta badan Ganacsatada ka hadashay shirka ayaa waxay si weyn u muujiyeen dhibaatada maalmahan ku soo korortay suuqa Bakaaraha, iyagoo ka dhawaajiyay in haddii wax laga qaban waayo uu halis ugu jiro in Suuqa uu xirmo.

Suuqa Bakaaraha ayaa ah suuqa ugu weyn ee Ganacsiga Koofurta Soomaaliya, waxaa ku yaalla xarumo xawaaladeed, isgaarsiin iyo ganacsiyo kala duwan.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*