Wasiir Qarjab “Wasiirada Puntland ma tagi karaan Xamar”


Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) ayaa faah faahin ka bixiyay tallaabadii lagu joojiyay kulan uu magaalada Garowe ku qaban lahaa Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya Jamaal Xasan Maxamed.


Isagoo wariyeyaasha kula hadlayay magaalada Garowe ayuu sheegay in maamul goboleedyada ay horay hakiyeen wada shaqeyntii dowladda Federaalka, isla markaana ay soo jeediyeen wixii horay loogu heshiiyay in la dhaqan geliyo.

Waxaa uu sheegay in illaa laga heshiiyo aysan ogolaan doonin in Puntland iska soo gasho oo ay shirar ku qabsato sida uu yiri.

“Illaa laga heshiiyo oo laga dhaqan geliyo heshiisyadii horay, halkan cidii iska soo gashay oo shirar isaga qabsado waxay noqoneysaa cid dhibaatada dalka qeyb ka ah”ayuu yiri Wasiir Qarjab.

Mr Qarjab ayaa sheegay in la soo rogay amar ah in Wasiirada Puntland aanay tagi karin magaalada Muqdisho, isla markaana aysan shirar ka qeyb gelin karin.

“Waa la joojiyay in la isu gudbo Wasiirada xamar ma tagi karaan shir kama qeyb geli karaan, illaa la heshiiyo”ayuu yiri Wasiir Qarjab.


Xiriirka u dhaxeeyay dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa heerkii ugu xumaa gaaray, iyadoo maamul goboleedyada ay xiriirka u jareen dowladda Federaalka

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*