Dowlada Itoobiya Oo Qorsheynaysa in dalkeeda Visa La’aan la Soo galo


Dr Mulatu Teshome  Madaxweynaha Itoobiya ayaa maanta Baarlamaanka dalkaasi u jeediyay Khudbada sanadlaha, Waxaa uu sheegay dowladda Itoobiya ay doonayso in ay  hirgeliso go’aankii sanadkii 2011-ka ee ahaa Visa La’aan in lasoo galo Itoobiya.


Waxaa uu sheegay dalalka waddamada Afrika iney Visaha dal ku galka ah ay ka qaadan karaan Airiboorrada caalamiga ah ee ay dalka ka soo galaan


Madaxweyne Dr Mulatu ayaa wuxuu sheegay “sida uu dhigayo qorshaha Midowga Afrika ee ah iney dalalka Midoga ka tirsan ay fududeeyaan isusocodka muwaaddiniinta qaaradda.

Dadka waddamada Afrika ka yimaadda waxay hadda ka hor Visaha dal ku galka ay ka qaadan jireen safaaradaha Itoobiya ay ku leedahay oo waddamadooda.

Midowga Afrikana wuxuu dajiyey iney waddamada qaaraddana Afrika muwaaddiniinta u dhashay dal Afrikaan ah ay Visaha dal ku galka ay weydiin karaan oo keli ah ilaa iyo 2023-ka, wixi xilligaa ka dambeeyana muwaaddiniinta waddamada qaaraddu Fiisa la’aan ay waddankey doonaan ku soo geli karaan.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*