R/W Khayre Oo Booqasho Rasmi ah Uga Bilaabatay Dalka Sacuudiga


Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaaladda Riyaadh ee dalka Boqortooyada Sucuudiga, kadib casuumaad rasmi ah oo uu ra’iisulwsaaruhu ka helay dalka aan walaalaha nahay.

Wafdigia R/W Khayre ayaa waxaa soo dhoweeyay mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan Boqortooyada, iyada oo booqasho laba maalmood ah ay halkaas uga billaabaneyso.

Ra’iisul wasaaraha ayaa kulamo la yeelan doono mas’uuliyiinta ugu sarsareysa dowladda aan walaalaha nahay ee boqortooyada Sucuudi Carabiya, si ay uga wada hadlaan xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha iyo aminga.


Madaxda Bangiga horumarinta Islaamka ayuu kulamo la qaadan doonaa oo ay ka wada hadlayaan horumarka dhaqaalaha Soomaaliya, maal-gelinta iyo dib-u-habaynta ballaaran ee lagu sameeyay hannaanka maamulka maaliyadda dalka.


Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*