Howlgallo Milatari Oo Ka Bilowday Sh/ Dhexe Iyo Hiiraan


Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ayaa saacadihii la soo dhaafay dhaq dhaqaaqyo Milatari ka bilaabay qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Dhexe Iyo Hiiraan.


Dhaq dhaqaaqyada oo ah kuwa ballaaran ayaa si aad ah looga dareemayaa deegaano dhowr ah oo ku yaalla gobolkaasi, gaar ahaan meelaha ay ku xoogan yihiin Al Shabaab.


Ciidamada huwanta ayaa la sheegay in ay ka soo ruqaansadeen dhanka gobolka Hiiraan, islamarkaana ay u jiheysteen deegaanka Buurweyn  oo ay haatan gacanta ku hayaan  Al Shabaab.

Saraakiil ka tirsan kuwa Milatariga Soomaaliya oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in u jeedkoodu uu yahay, sidii Al Shabaab looga saari lahaa deegaankaasi oo la sheegay in ay Canshuuro uga qaadaan gaadiidka isticmaala halkaasi.

Dadka deegaanka ayaa cabsi ka muujinaya in dagaal uu ka qarxo halkaasi, maadaama labada dhinac ay dhaq dhaqaaqyo ka wadaan Sh/ Dhexe.

Howlgalladan ayaa ku soo aadaya, xilli dhawaan madaxda HirShabelle ay ku dhawaaqeen dagaal ka dhan ah Al Shabaab, kaas oo looga saarayo gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*