Makhaayadda KFC ee dalka Zimbabwe oo wayday lacag ay digaag ku soo gadato


Makhaayaddaha caanka ku ah cuntooyinka fudfudud ee ku yaalla dalka Zimbabwe ayaa albaabada la isugu laabay ka dib markii ay ka sii dartay lacag la’aanta dalkaas, bil uun ka dib markii madaxweyne Emmerson Mnangagwa uu ku guulaystay doorashadii.


KFC ayaa ogaysiisyo ku soo dhajisay makhaayadaheeda ku yaalla caasimadda Harare iyo magaalada labaad ee ugu wayn dalkaas ee Bulawayo, iyada oo dadka ku wargalisay “in ay sii xirnaan doonaan inta lagu guda jiro wakhtigan adag” tan iyo inta ay wax iska badalayaan.

“Xaqiiqdii waxaan waynay lacag aan siino dadkii aan ka soo adeegan jirnay, maadaama oo ay lacag doolar ah naga rabaan,” ayaa lagu qoray ogaysiisaka.


Makahaayadda St Elmos pizza ayaa iyaduna sheegtay in ay xirtay xarumaheedii sabab midaas la mid ah awgeed, waxayna intaas ku dartay in inta wakhtigaas lagu jiro ay samayn doonto nadiifin heer sare ah iyo dayactir.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*