NISA Oo Sheegtay” Xildhibaan Golaha Shacabka Ayaa Ku Lug Leh Shabakad Lacag Dhaqid Ah Oo La Qabtay


Hey’adda sirdoonka Soomaaliya(NISA) ayaa qoraal ay xalay soo saartay ku sheegtay inay qabteen shabakad ku guda jirtay fal-danbiyeedka lacag dhiqida iyo samaynta Dollar been abuur ah.

Qoraal kooban oo bartooda lagu daabacay waxuu u qornaa:


“Ciidamada amaanka garoonka Adan Cade ee Muqdisho, waxa Ay gacanta ku dhigeen shabakad ka shaqaysa fal-danbiyeedka lacag dhiqida iyo samaynta Dollar been abuur ah, waxaana gacanta lagu hayaa laba kamid ah shabakadaas, kuwa kalana waa lagu dabajiraa”. Waxaa ay intaasi ku dareen “Waxaa hawlaha u sahlay, sida gudbinta garoonka, “”Mudane ka tirsan golaha shacabka”” Ee Barlamaanka Federalka.


Ugu dambeyntii, waxaa uu ku soo gabagabeeyeen “Galka baarista ee shabakadan waxaa loo gudbinayaa hay’adaha sharciga ee ku shaqada leh, si’ay uga qaadaan talaabada ku haboon”.

 agaasimaga guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Col. Maxamed Adam Koofi ayaa ka gaabsaday isaga oo sheegay in amniga howshaasi u taalo,Hay”adaha Amaanka  oo aaney howshoodu la xiriirin.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*