Wakiilka laacib ka tirsan Naadiga Napoli Oo Niyadda u Dhisay Chelsea


Difaaca kooxda Napoli ee Elseid Hysaj wakiilkiisa ayaa sheegay inaysan xiiseyneynin inay heshiis cusub u saxiixaan kooxda reer Italy.


Arrintani ayaa kusoo beegmeysa xilli kooxda Chelsea lala xiriirinayo laacibka reer Albaina

Hysaj ayaa xagaagii 2015 Empoli kaga yimid qiimo dhan 5-million oo Euros, tan iyo xilligaasna waxa uu kusoo baxay xiddig darajo sare leh.

Waxaa lagu tiriyaa dambeedyada midig ee ugu fiican Serie A, waxaana xilli ciyaareedkan uu Napoli u ciyaaray Toddobo kullan horyaalka.


Wakiilka 24-jirkan oo lagu magacaabo Mario Guiffrida ayaa dhowaan la hadlay CalcioNapoli24Live, waxaana uu carrabbaabay in laacibka uu wakiilka u yahay dookhiisa koowaad ahayn inuu heshiis cusub u saxiixo Partenopei.

Laba sano ayaa ka harsan qandaraaskiisa hadda uu ku joogo San Paolo, waxaase xagaagii dhowaa suuqii kala iibsiga uu ku sigtay inuu macallinkiisii hore ee Maurizio Sarri uu kula biiro Chelsea.

Balse weli macallinka Blues ayaa xiiso ahaya xiddiggiisii hore ee Hysaj, waxaana hadda u sahlan in xagaaga dambe ay qiimo jaban ku helaan, maadaama qandaraaskiisa uu ka harsanaan doono hal sano.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*