Sawir:Degmada Biyacade Oo Laga Furay Xarun Caafimaad Iyo Iskuul Waxbarasho


Waxaa Maalmahaan  Degmada Biyacade Oo Ka Tirsan G/SH/Dhexe  Ka Socday Isbedelo Dhinaca Horumarka ah Waxaana Isbedeladaasi Hormuud ka ahaa  Dhalinyaro Aqoonyahano ah Iyo Ganacsato Iyo Wax Garad Ka Soo jeeda Degmada Biyacade,

Sidoo kale Waxaa Dhawaan laga Hirgeliyay Xarumo Wax barasho Iyo Caafimaad  waxaana aad  u soo Dhaweeyay qeeybaha kala duwan ee bulshada ee Ku Nool deegaanada Hoosyimaada Degmada Biyacade,Iyo Degaanada  Deriska la ah.

Dadka Degaanka ayaa  ka sheekeeyay xaalada caafimaad dari Iyo Waxbarasho la”aanta  ka jirtay deegaanka iyo sida ay maanta u soo dhaweynayaan furitaanka xaruntan Caafimaad Iyo Waxbarasho.

Maanta Waxaan Heeeysanaa Adeegyadii aan Magalooyinka Muqdisho Iyo Jowhar u Tagi Jirnay Guryaheena ayaa  la  Keenay Waxaana Farxad ah in aan Si fiican uga Faaideeysanaa”Sidaas waxaa Yiri Mid ka mid ah dadka Deegaanka ah.

Dhinaca kale Mid ka Mid ah Dhaqaatiirta  ayaa isna halkaasi ka sheegay inay u taaganyihiin gaarsiinta adeega caafimaadka deegaanada fog fog ee Tuulooyinka ah ayagoo u adeegayo shacabkooda..

Si kastaba Ha ahaatee Degmada Biyacade  ayaa  Sanadihii Dambe ku liidatay adeegyada aas aasiga ah ee bulshada,inkastoo hadda ay u muuqato in  horumar Wanaagsan arrintaasi laga sameeyay Waana arrin aad u wanaagsan waxaana ay mudan yihiin dhalinyarada u istaagtay Horumarinta Degaankooda In Loogu Hambalyeeyaa lana Garab istaagaa.



Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*