Baaritaanka Halkii uu Ku Dambeeyay Jamal Khashoggi Oo La Ballaariyay


Dowlada Turkiga ayaa balaarisay baaritaanka lagu doonayo in lagu ogaado halka uu ku dambeeyay saxafiga Jamal Khashoggi iyadoo baaritaanka lagu soo kordhiyey guriga uu ka degen yahay Qunsulka Sacudi Carabiya magaalada Istanbul.

Baarayaal ka socda dowlada Turkiga ayaa gudaha u galay shalay qunsuliyada Sacudi Carabiya ee magaalada Istanbul  iyagoo markii ugu horeeyay baaritaan ka sameeyay tan iyo markii la waayay Jamal Kashoggi 2dii bishan Oktoobar.

Ballaarinta baaritaanka Khashoggi ayaa waxaa saxaafada u sheegay Wasiirka Arrimaha Dibada Turkiga Mevlut Cavusoglu.


Waxaa sii kordhaya cadaadiska lagu saarayo boqortooyada Sacudi Carabiya inay sharaxaa ka bixiso waxa ku dhacay Jamal Khashoggi oo ah saxafi aad u dhaliila siyaasada Boqortooyada Sacudi Carabiya.

Si kasta ha ahaatee,saxaafada Maraykanka ayaa baahineysa warar sheegaya in Boqortoyada Sacudi Carabiya ay diyaarinayso warbixin ay ku qiranayso inay ciidamadeeda sirdoonka ka dambeeyeen dilka Khashoggi xilli ay su’aalo ku weydiinayeen gudaha  Qunsuliyada ay ku leedahay magaalada Istanbul.

Dhinaca kale Xoghayaha Arrimaha Dibbada Maraykanka Mike Pompeo ayaa kula kulmay magaalada Riyadh Boqorka Sacudi Carabiya Boqor Salman, Amiirka awooda badan leh Maxamed Bin Salman iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Adel al-Jubeir in Riyadh.


Afhayeen u hadashay Wasaarada Arrimaha Dibadda Maraykanka Heather Nauert ayaa sheegtay in kulamada uu la yeeshay Mr Pompeo in Sacudigu uu oggolaaday in looga baahan yahay baaritaan cad oo waqti xadidan lagu sameeyo si loo helo halka uu ku dambeeyay Jamal Khashoggi.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*