Guddoomiyaha Rugta ganacsiga iyo Warshadaha Jubbaland Oo Lagu Xayiray Garoonka Muqdisho


Guddoomiyaha Rugta ganacsiga iyo Warshadaha Jubbaland Shaafi Raabi Kaahin. ayaa Maanta mudo kooban Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magalada Muqdisho lagu xayiray ù

Xilliga la xayirayay ayaa waxa uu Guddoomiyaha ka yimid dalka Turkiga oo uu uga qayb galay shir looga hadlayey ganacsiga Africa iyo Turkiga oo dalkaasi lagu qabtay.


Isaga oo la hadlay Tv-ga ku hadla Afka Dowlad Goboleedka jubbaland ayaa waxa uu sheegay in meel gooni ah la fariisiyay,isla markaana laga qaaday sharcigii uu watay,iyada oo aan loo sheegin sababta.


Waa markii labaad oo Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magalada Muqdisho lagu xayiro,welina laamaha amniga Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Jubbaland kama hadlin.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*