Taliska NISA Oo Soo Bandhigay Lacag Been Abuur ah Oo Lana Donayay in laga dhoofiyo Garoonka Muqdisho


Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa soo bandhigay lacag been abuur ah oo ah doolarka madow oo 18-kii bishan ay Ciidamada Amniga ku qabteen garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Sida lagu baahiyay barta Twitter-ka ee NISA lacagta la qabtay ayaa isugu jiray Dollar iyo EURO oo ah nuuca la dhaqo.

Hey’adda Nabasugida ayaa sheegtay in markii lacagtaas la qabtay ay Ciidamada Amniga ku guuleysteen in magaalada Muqdisho daafaheeda ka soo qabteen shabakadii ku howlaneyd howshaas.

Kiiskan ayaa la sheegay inuu ku lug yeeshay Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka, kaasoo la sheegay inuu u fududeyay ragga lagu qabtay doolarka madow inay ka dhoofiyaan garoonka Muqdisho.


Sidoo kale tallaabada kiiskan ayaa waxay sababtay in shaqada looga joojiyo Wasiir kuxigeenka Ganacsiga oo xeer ilaalinta ku soo oogtay ku lug lahaanshaha kiiskaas.

Todobaad ka hor ayay aheyd markii Taliska NISA uu shaaciyay in labo xubnood ku qabteen garoonka Muqdisho, kuwaasoo ahaa shabakad ku howlaneyd dhaqida lacagaha doolarka madow ee been abuurka ah.


Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*