Wasiirka Amniga Oo Si Kulul uga Hadlay Shaqaaqo Ka Dhacday Muqdisho


Ciidamada booliska Soomaaliya ayaa shalay hawlgal ay ka fuliyeen degmada Wadajir gaar ahaan aagga Jid-cakaaro waxa ay ku dileen nin hubeysan Oo Ku labisnaa dareeska ciidanka dowladda, halka Saddex kalena ay ku dhaawaceen.

Arrintan ayaa waxa ay ka dambeysay kadib markii ciidamada oo Jid-cakaaro hawlgal burburin dhismayaal sharci daro ka waday ay weerar kala kulmeen rag hubeysan oo ka mid ah dadka degan halkaasi.

Raggii dhaawaca ahaa ee la dhigay isbitaalka Madiina ayaa waxaa la sheegay inay xalay la baxeen ciidamada ammaanka, waxayna taasi qasabtay in kulan deg deg ah ay yeeshaan wasiirka amniga iyo ehelada raggii dhibaatada ay soo gaartay.


Wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaalle) ayaa wuxuu sheegay inuusan raali ka aheyn wixii dhacay, islamarkaana ay raadin doonaan cadeymo rasmi ah, intaasi kadibna ay qaadi doonaan talaabo waafaqsan sharciga.

Wuxuu sheegay inuusan marnaba raali ka aheyn in magaciisa dhibaato lagu geysto, isaga oo sidoo kale tilmaamay inay qalad aheyd in rag dhaawac ah lagala baxo isbitaalka.

“Cadeymo ayaan radin doonaa gaal iyo muslim waxay qabaan qofka dhaawaca ah in la daaweeyo Shabaab xitaa hadii uu yahay, marka taas balan waaye talaabo ayaan ka qaadi doonaa, aniga oo amniga masuul ka ah marnaba ma rabo in magaceyga dad lagu dhibateeyo.” ayuu yiri wasiirka amniga.


Talaabada hawlgalkan lagu fuliyay ayaa waxaa bixiyay taliyaha booliska qeybta gobolka Banaadir Saadaq Joon, iyada oo markii uu falkan dhacay halkaasi uu tagay guddoomiye kuxigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir oo ciidamada ammaanka ku amaanay qaabka ay u fuliyeen hawlgalkan.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*