Bam Gacmeed Lagu Weeraray Xarunta Degmada Boondheere Muqdisho.


Kooxo hubeysan ayaa Xalay Weerar bambaano ah ku qaaday Xarunta Maamulka degmada Boondheere ee Gobolkaan Banaadir,waxaana weerarkaas ka dhashay khasaaro dhaawac ah.


Dad Goobjoogayaal ayaa sheegay inay maqlayeen jugta weerarka bambaano,kadibna ay maqleen rasaas ay rideen Ciidamo Boolis ah oo ku sugan Xarunta degmada.

Guddoomiyaha laanta koowaad ee Nasiibuundo oo lagu Magacaabo Suuley ayaa sheegay in bamka laga soo tuuray Luuq u dhow MCH halkaasi ku yaalla ee dhinaca Siinay,isla markaana uu ku dhaawacmay mid ka mid ah Ciidamada Booliska ee Xarunta ku sugan.


Wararkii u dambeeyay ee Xarunta degmada ayaa  sheegaya in xaaladu  tahay mid degan,isla markaana Ciidamo Boolis ah ay ku sugan yihiin Xarunta degmada Boondheere.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*