Xubno Ka Tirsanaa Al-Shabaab Oo Isku Dhiibay Ciidamada Jubbaland


Taliska Nabad Sugidda iyo Sirdoonka jubbaland ayaa sheegay in labo xubnood oo ka tirsanaa Al-shabaab in ay isku soo dhiibeen dhankooda.

Qoraal kasoo baxay taliska ayaa lagu sheegay in labada xubnood oo ka tirsanaa shabaab in ay isku dhiibeen maamulka jubbaland ee Afmadow,kadib markii ay u adkeysan waayeen dhibaatooyinka ay wadaan shabaab.


“Colaad Faarax Xasan iyo Nuur Cabdi Xasan oo kamid ahaa Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Nabad gelyada Jubbaland ee Degmadda Af-Madoow”ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay NISA Jubbaland.


Taliska NISA ee jubbaland ayaa sidaan oo kale horey ugu soo bandhigay xubno ay sheegeen in ay ka tirsanaayeen shabaab.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*