AKHRISO:Muxuu Yahay Dagaalka Siyaasadeed Ay Dhaliyeen Madaxweyne Farmajo Iyo R/Wasare Xasan Kheyre?


Ayadoo ay Muuqato   Dhibaatooyinka hor-taagan  dadka soomaaliyeed ayaan  Wali Helin Hoggaan Daacad ah Iyo Mid  Xasilin Kara Siyaasada oo  wanaagsan .

Waxaa Jira khilaaf siyaasadeed Oo waqtigan ka jira dalka Soomaaliya  Waxaana keenay  Madaxweyne Farmaajo Iyo R/wasare Kheyre Khilaafkan Taagan ayaa u Dhaxeeya Madaxda Maamulada Iyo Dowlada Dhexe.

Muxuu Yahay Khilaafka Siyaasadeed ee Taagan?

 

Madaxweyne Farmaajo ayaa Hoggaanka Qabsaday 08/02/2017-kii, Waxaa uu Bilaabay Bur-burinta nidaamyadii Soomaalidu qaadatay ee hada jira, Isagoona ugu horey keensaday R/wasaare Kheyre oo ah nin Siyaasadda Soomaalida ku Cusub  Hab-dhaqankiisu ay Hareeyeen “Aragti aan Fogeeyn iyo Aqoon-yarida Dhinaca Siyaasada”,

Waxaa ay ku Mashquulsan yihiin Bur-burinta Hoggaamiyaasha  Golayaasha sharci dajinta iyo Dowlad Gobaleedyadii Dhismahoodii laga soo maray  Dhibaatooyin  badan, Iyagoo ka Faa’ideysanaya Shacabka Soomaaliyeed ee ay heystaan Duruufaha Adag ee  u Badan 18-25 jirka  Dhalinyarada ah Waxaana ay u Isticmalayaan  Hantida Qaranka Iyo Canshuurta Muqdisho.

Waxa ay  Qalasaase siyaasadeed ka dhex abuureen awood qaybsiga Madaxtooyada, Xukumada, Golayaasha sharci dajinta iyo wada shaqaynta Dawlada federaalka iyo Dowlad Gobaleedyada.

Maxay tahay bur burinta awooda Golaha sharci dajinta ee Villa Somaliya?

Hoggaamiyasha Villa Soomaaliya ayaa ku guuleystay inay kala Diraan Wada-shaqeyntii Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya “Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose.

kaddib markii ay Kursiga Afhayeenka Baarlamaanka ka Tuureen Prof:Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ahaa Aqoonyahan, Waayo badana u soo Taagnaa Siyaasadda Soomaaliya Fahamsanaa Xaalada uu Marayay Dalka Iyo Dadka Somaliyeed .

Sidoo Kale Villa Soomaaliya ayaa keensatay Afhayeen Golaha Shacabka Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh C/rixmaan oo ahaa Wasiirkii Gaashaandhigga, kaas oo Fashiliyay Howlihii Ka Socon Jiray Golaha Shacabka , Waxaana uu Jahwareer ku riday Shaqadii Baarlamaanka Ka socotay, Guddomiye  Mursal ayaa Hakiyay Wada-shaqeyntii Golaha Shacabku la lahaa Aqalka Sare ee Baarlamaanka.

 

Maxay Ka Dhaxleen Hirshabelle: Dowlada Farmaajo Iyo Kheyre.

Madaxda Villa Soomaaliya ayaa Qorshahooda 1-aad ayaa ka Fuliyay Maamulka Hirshabelle, Iyagoona u kala jabiyay Labo Garab oo qaab beeleed ah, kala degayna Jowhar iyo Beledweyne, Waxaana taas ay u suura-gelisay in ay Meesha ka saaraan Madaxweynihii hore ee Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble, 

Sidoo kale Madaxda Villa Soomaaliya ayaa illaa hada Bur-burin ku Wadda Dowlad Gobaleedka Hirshabelle, waxaana  ay Howl Gab Ka dhigeen  Nidaamkii Shaqo ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle , Iyagoona Ku Mashquuliyay Mooshino La Soo Qaban Qaabiyo Mudo Saddex Bilood Ka dib Waxaana  laga keenaa Madaxda Hirshabelle Sida Madaxweyne Waare iyo Xukuumadiisa, Iyo Guudomiyaha Baarlamaanka Ujeedka ayaa ah  Si aysan  Fursad ugu Helin Horumar iyo Hanaan Dowladeed ay Yeeshaan Shacabka Hirshabelle.

Muxuu Yahay Khilaafka Dowlada Koonfur Galbeed Iyo Villa Somaliya: 

Dowlad Gobaleedka Koonfur galbeed ayaa La Rajeeynayaa in  Bisha soo socota ay ka dhacaan Doorashada Madaxweynaha Hase ahaatee Madaxda  Villa Soomaaliya ayaa geysatay Musharixiin Heeysta Dhaqaalo Fara badan Iyo Gawaari aan Xabada Karin Waana Dhaqaalahii Ummada Somaliyeed,Musharixiintaas ayaa kala ah Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Xukuumadda Soomaaliya C/casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) iyo Taliyihii Dhowaan is casilay ee NISA Xuseen.

Villa Soomaaliya ayaa Qorsheysay in hadii Musharixiinteeda looga adkaado Doorashada K/galbeed ee 17-Nevember 2018 oo uu guuleysto Madaxweynaha hada talada haya Shariif Xasan, koonfur galbeed loo kala jabiyo labo Garab Iyagoo u kala Qeeybin Doona Laba Magaalo  Baydhabo iyo Marka.

Wararka ayaa Sheegaya In ay Jiraan  Ciidamo ay dhowaan geysteen Magaalada Marko Kuwaasi Oo la Yaqaan Ciidamada 14 October Waana Dhalinyaro aan laheyn Waayo Aragnimo, Aminsan Waxii Loo sheego.


Si kastaba Ha ahaatee Madaxweeyne Shariif ayaa ah Nin aan La dhayalsan Karin Dhinaca siyaada.

Muxuu yahay Khilaafka Jubbaland iyo Villa Somaliya ?

Madaxda  Villa Somaliya ayaa Sameeyay Qabyaaladii ugu xumeyd ee soo Martay Soomaali Sanadihii ugu dambeeyay taas oo si Cad  loo adeegsanayo, waxaana ay abuureen Kacdoon ka dhan ah Dowlad gobaleedka Jubbaland ee uu Hoggaamiyo Madaxweeyne Axmed Madoobe, Iyagoo Kashanaya  Beesha Mareexaan ee Degta Gobalka Gedo, kana Hor-keenay Sidii loo Fashilin Lahaa Hogaanka Axmed Madoobe.

Wararka ayaa Sheegayaa In Madaxweyne Farmaajo uu Hub siiyay Beeshiisa si ay uga Hor-yimaadaan Maamulka Madaxweyne Madoobe, Iyagoona dadka Deegaanadaas ay Muujiyeen sida ay uga soo Hor-jeedaan Jiritaanka Jubbaland, waxaana taas ay Ceeb ku noqotay Farmaajo oo Horey loogu Xamanayay inuu yahay nin ay Fikradihiisa ay Hareeyeen Naceyb Qabiil Iyo Kaligiis Taliye Waxaana uu Wadaa Qorshe ah in Loo Kala Qeeybiyo Mamulka Jubbaland Laba Gedo Iyo Kismayo.

 Muxuu yahay Khilaafka Puntland  Iyo  Villa Somaliya

Madaxda Villa Soomaaliya ayaa Dadaal dheer ugu jira Bur-burinta Dowladnimada Puntland  Iyagoo ka Faa’ideysanaya dagaalada ay wadaan kooxaha al shabaab iyo Daacish deeganka Gobalka Bari, magaalada boosaaso  Iyo Dagaalada u dhaxeeya Somaliland Iyo Puntlad, Waxaana uu Madaxweeyne  Farmaajo ka abaabulay odayaal cambaareeya markasta dawlada Puntland.

Maamulka Madaxweyne Farmaajo Iyo Kheyre ayaa Lacagtii ugu badneyd ku bixinaya sidii Puntland looga Abuuri lahaa Qalalaase Siyaasadeed iyo mid amni, kaas oo ay Arkayaan in uu Horseedi doono in Puntland ay u kala jabto Laba Garab Boosaaso iyo Garoowe, Hase ahaatee Shacabka Puntland ayaa ah Kuwa aan Lagu Marin Habaabin Karin Siyaasada Xun ee Madaxweyne Farmaajo Iyo R/Wasare Kheyre. 

Muxuu Yahay Khilaafka Galmudug Iyo Villa Somaliya?


Madaxda Villa Somaliya ayaa Dadaal dheer ku bixiyay Fashilinta Maamulka Galmudug, Iyaga oo ka Faa’ideysanaya Madaxweyne Ku-xigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaas oo ay Isku beel Yihiin Madaxweeyne Farmaajo iyo R/Wasare Kheyre, kuwaas Oo Siiyo Lacag  Bil Walba si ay u Hor Istaagaan Dhismaha Dowlad Sal adag oo Mideysan, taas oo ay yeelato Maamulka Galmudug.

Dhinaca kale Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf,  ayaa markii uu ku guuleystay Kursiga Galmudug, ayaa Arkay Hab-dhaqan Madaxda Villa Soomaaliya, waxaa uu Dadaal ku bixiyay mideynta Galmudug iyo Ahlu-sunna Iyo Nabada Magalada Gaalkacyo  Isagoona u arkayay Midnimada labada dhinac inay tahay Bad-baadada Galmudug, taas oo uu ku Guuleystay.

Si kastaba Ha ahaatee Madaxweyne Farmaajo Iyo R/wasaare  ayaan Wali Ka Hadlin Doorashada Ka dhacday Galmudug , waxaana ay haatan u Muuqdaan Kuwo Taageersan  Madaxweynaha Cusub ee La Isku diidan Yahay Dorashadiisa.

 

Ugu danbeeyntii Madaxweeyne Farmaajo iyo R/Wasare Kheyre, ayaa Inta badan Ku bixiya Qarashaad  Bur-burinta Dowlad gobaleedyada, Waxaana ay Adeegsadaan Hantida Qaranka .Dhawaan ayay aheeyd markii  loo kireeyay diyarado Mid ka mid ah Musharaxiinta Konfur Galbeed Waxaana lagu Bixiyay Qarash Garaya 2 Milyan Waana Nasiib Daro In qarashka Nuucaasi ah Loo Isticmaali Bur-burin iyo Awood Badsi.

 

 

W/Q

Balcad110@hotmail.com

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*