April 5, 2020

Kooxo dhac Farsameeysan Ka geysan jirtay Muqdisho oo la soo bandhigay


Maamulka Gobolka Banaadir ayaa  saldhiga Degmada Hodan ku soo bandhigay koox ka kooban 10 qof oo lagu eedeeyay inay lacago sharci darro ah ka urursan jireen qoysaska barakacayaasha.


Kooxdan ayaa la sheegay iney iska dhigi jireen Hay’adaha Samafalka ee bixiya lacagaha Kaashka ah, iyagoo dadka Barakacayaasha ah ka qaadi jriay sawirro iyo Foomam laga buuxiyo Magacyada qoysaskooda, kadibna ay khidmad lacageed sidaas uga qaadan jireen.

Afhayeenka Gobolka Banaadir, Saalax Xasan Cumar iyo Taliyaha Saldhiga Degmada Hodan Cabdifataax Bashiir Cali, ayaa warfidiyeenada u sheegay in aan marnaba la aqbali doonin in kooxo nuucaan oo kale ay ka howlgalaan Gobolka Banaadir, iyagoona shacabka ugu baaqay in ay ka digtoonaadaan kooxaha Magaca Hey’addaha ku qaraabta.

Labada masuul ayaa intaa ku daray in kooxdan ay dadka masaakiinta ah ku dhici jireen magacyo been abuur ah sharcigana la soo taagayo dhowaan.


 

 

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*