April 5, 2020

SAWIR: Faah-faahin Ugu Dambeeyay Qarax Gaari Oo Ka Dhacay Magalada Muqdisho


Faahfaahino dheeraad ah ayaa  ka soo baxaya Qarax goor dhow ka dhacay Magaalada Muqdisho,kaasoo ahaa mid lagu xiray gaari Noociiso uu yahay Hilux oo la sheegay in uu lahaa shaqsi ka mid ah Shaqaalaha  dowladda.


Qaraxa ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoysyada Dabka iyo Sayidka.

Sidda ay xaqiijiyeen Dad goobjoogayaal  ah ma jirto qof wax ku noqday,Balse Waxa uu Qaraxa Haleelay Gaariga  Oo yaallay Meel Wadada dhinaceeda ah oo aysan jirin cid saarneyd.


Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ayaa soo gaaray goobta uu Qaraxa ka dhacay, waxaana ay damiyeen gaarigii Qarxay oo gubanaayay.

Si kastaba Ha ahaatee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku badan gawaaridda lagu xiro waxyaabaha Qarxa, waxaana inta badan Mas’uuliyadda Qaraxyaddaasi sheegta Ururka Al-Shabaab.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*