Maxaa Ka Hortaagan Amniga Somaliya Iyo Horumarka ?


Dalka Soomaaliya ayaa marar badan Waxa uu  kaalinta kowaad ama labaad ka galaa dalal aduunka ugu musuqmaasuq badan. Waana arrinta ugu weyn  dhinaca musuqmaasuqa iyo wax is dabamarinta.


 Sidoo kale  Waxaana xusid mudan in qabiilka iyo musuqmaasuqu yahay labo aan kala maarmin. Hase ahaate Waxaa qofka lagula taliyaa in uu meesha uu joogo uu dhaqaalo ka qabsado hadii kale beri laga qaadayo waana nasiib daro ku dhacday umada somaliyeed haddi ay ahaan laheeyd midka u shaqeeya dowlada hadii ay ahaan laheed kuwa ganacsiga shirkada ah ,dhamaantoo waxa ay faraha kula jiraa wax isdaba marin.

  1. Qabyaalad iyo Qaraabo kiil: musuqmaasuq wuxuu cayiliyaa qabyaaladda, eexda iyo qaraabo kiilka. Qofka tuugaa wuxuu markasta jecel yahay in aan la qaban oo ku badbaado dhibaatada uu geysanaayo, qabiilkuna wuxuu riyaaqa ruuxa xoolo badan mudo yar gudaheed ku sameysta, qaraanka bixiyo, tolka qofkii u taga lacag badan siiya, dadka tolkaa shaqo siiyo, waxayna lahayn u soo dhaca. Beelaha soomaalidu haddii qofka dhaqankaas leh la damac in lagu ciqaabo dambiga uu galay, waxaa inta badan ka dhashay falcelin ka timaado qabiilka oo lagu doonaayo in ruuxa ama qofka musuqmaasuq-laha ah la badbaadiyo laguna sii dalacsiiyo. Musuqmaasuqu maaha keliya lacag la qaato ama laaluush la bixiyo, ee waa hab dhaqan uu qof ama koox ay ku fagrifalaan awooddii xaafiiska si ay u fushadaan dano gaara.  U hiilinta qof loogu hiiliyo wax aanu xaq u lahayn, aqoon u lahayn ama karti lahayn ayaa dhaqan ka noqotay xaafiisyada dowladda, hay’addaha iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay.  Waxaa xusid mudan in nidaam awood qeybsiga ee 4.5 uu sii xoojiyey qabyaaladda iyo eexda, maadama qofkii mas’uulka ahaa qabiil soo doortay, waxaa laga filayaa inuu u adeego danaha iyo rabitaanka tolkii soo doortay. Tani waa falaar wadnaha ugu taagan dowladnimada iyo maamul wanaagga cidkasta ay u habuun qabto.
  2. Cadaalad daro: Musuqmaasuqu wuxuu keenay in la waayo cadaalad iyo sinnaan sharciga hortiisa ah. Waxaana markasta dhacda in dad badan ay laaluush ku bixiyaan sidii ay u heli lahayeen wax aaney xaq u lahayd. Maxkamadaha dalka ayaa waxaa ka jira musuqmaasuq xidideeystay, kaasoo qofna aan kalsooni ku qabin in cadaalad uu helaayo haddii aanu bixin laalush ama aanu helin hiil iyo iyo garab. Cadaalad darada ka jirta ha’addaha dowladda gaar ahaan laanta garsoor ayaa waxay keentay in dad badani ay dowladda ka niyad jabaan oo ay taageeraan kooxaha seef la boodka ee dagaalka kula jira dowlad. Waxaa hubenti ah haddii aan la helin cadaalad bulsho, inaan la helayn dowlad tayo iyo karti leh oo si siman ugu adeegta shacabka soomaaliyeed.
  3. Maamul Xumo: Maamulxumada iyo wax is dabamarintu waxay curyaamisay hanaankii dowliga ahaa, kan hay’addaha iyo shirkadaha. Waxaana xaafiisyadii dowladda loo isticmaalay in lagu gaaro dano gaar ah. Hay’addaha samofalka ayaa noqday meel laga sameeyo dhaqaale xad-dhaaf ah taasoo curyaamisya hufnaanta iyo daahfurnaanta shaqooyinka ay bulshada u hayeen. In badan oo ka mid ah hay’addaha NGOs loo yiqaan ee maxaliga iyo shirkadaha ayaa u burburtay musuqmaasuq iyo daldalasho lagu sameeyo dhaqaalihii yaraa ee loogu talo galay dadka baahan ama hantidii shirkadaha lagu aaminey. Sidaas darteed musuqmaasuqu wuxuu keenaa maamul xumo, isqab-qabsi iyo burbur soo gaara hay’adda dowliga ahaa, kuwa aan dowliga ahayn iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay. Maamul xumadu waxay curyaamisa shaqadii loo baahnaa in la qabto waxayna dhaawac weyn u geystay anshaxa iyo sharafta hay’addaha iyo shirkadaha kala duwan.
  4. Amni Darro: musuqmaasuqu wuxuu qeyb u weyn ka yahay dhibaatooyin amni iyo dilalka dalka halakeeyey. Cid kasta oo dooneysa inay geysato falal amniga iyo kala dembeynt lagu khalkhaliyaano, waxay laaluushtaa kuwii shaqadaas lagu aaminay. Haddii ciidanka amniga ilaalinaayo ama shaqaalaha aan la siin ama la musuqmaasuqo mushaarkoodii ama xuquudii asaasiga ahayd ee ay lahaayeen, marna la filan karo in dowladdu amnigii iyo nabaddii soo celiso.
  5. Sumcad Xumo: Hoos u dhaca kuyimid hanaankii shaqada ee hay’adahaas wuxuu sharafta ka qaaday dadka madaxda ee lagu sheego iney iibsadaan awooda xaafiiska ama hay’adda ay u shaqeeyaan. Tusaale ahaan waxaan u soo qaadan karnaa in badan oo ka mid xildhibaanadda ayaa waxaa lagu eedeeyaa inay keenaan Moshino/soo jeedin ku saabsan in la rido xukuumadda. Arrintaan waxay dhibaato weyn u geysatay sumcadda iyo sharafka golaha baarlamaanka iyadoo dadku aaminsan yihiin in qofkasta oo baarlamaanka ka mid noqday uu yahay musuqmaasuq. Hay’addaha gaar ahaan kuwa maxaligaa ayaa sidoo kale ayaa waxaa lagu sheegaa inay aad wax isu dabamariyaan, taasoo keenta in aaney qaban shaqadii laga rabay ama loo soo idmaday.
  6. Tayo Xumo waxbarasho: musuqmaasuq baahan ayaa aafeeyey xarumaha biyo waxbarashada heerarkeeda kala duwan ee ka jira dalka gudihiisa. Maadaama ay burbureen nidaamyadii ilaalinta iyo hubinta tayada waxbarashada waxaa caadi iska noqotay qishka iyo musuqmaasuqa lagu sameeyo imtaxaanadka dugsiyada dhexe, sare iyo jaamacadaha. Inkastoo ay dad badani furteen xarumo wax lagu baro dhalinyarada iyo dadka raba inay aqoontooda kororsadaan, haddana ilaa waqtigaan dowladdu ma aaney sameyn hay’adda si gaar ah ugu xilsaaran hubinta iyo xaqiijinta tayada heerarka kala duwan ee waxbarashada.  Sidaas darteed, waxaa aad u badatay dugsiyada iyo jaamacadaha aan wax xil ha iska saareyn tayada aqoonta ay bixiyeen. Arrintaa waxay dhibaato weyn ku tahay dalka iyo dadkaba maadaama dhaliyarada/dadka ka soo baxa dugsiyada iyo jaamacadaha bixiya waxbarashada tayo la’aanta ah aaney la tartami Karin kuwa tayadooda laga taxadaro ama dhowro. Dadka wata shahaadooyin waaweyn laakiin aan lahayn aqoonta u lahayn waxa ay sheeganayaan iney soo barteen, waxay keeni karaan halis weyn bulsho. Waxaa jirta oraah tiraahda haddii aad rabti inaad dal burburisid waxaa la baabi’iyaa ama la wiiqaa tayada waxbarashadiisa, maxaa yeelay waxaa u soo baxa dhakhaatiir aan wax daaweeyn Karin, injineero aan wax dhisi Karin IWM, taasina waxa keeneysaa in dalkaasi uu kala socon waayey, ugu damebyna uu burburo.
  7. Khilaaf iyo Dagaal: musuqmuusuqu wuxuu sababaa khilaaf  iyo dagaalo ka dhex dilaaca dadka wax ka dhaxeeyaan. Musuqmaasuq wuxuu keenaa in dadka loogu eexdo qabiilkooda,/koox, gobol ama deegaan gaar ay ka soo jeeda, isla markaana loo sameeyo sadbursi taasna ay ka careysiiso kuwii laga eexday ama lagacan-bidixeeyey, kadibna halkaas uu ka bilowda kala aamin bax iyo khilaaf. Musuqmaasuqu wuxuu ka mid yahay caqabadaha ugu waa weyn ee hortaagan dowladnimada iyo nabadda soomaaliya, maadaama qabiilku aanu ka dhexbixi Karin musuqmaasuq, eex iyo qaraabo-kiil, siyaasaddii iyo dowladnimadii laga dhigay qabiil, qofkastaa wuxuu shaki ka qabaa in la musuqmaasuqi doona oo aanu cadaalad heleyn.
  8. Faqri iyo gaajo: Musuqmaasuqu wuxuu keenaa in dad yar hantidii iyo dhaqalihii gacanta ku dhigaan taasoo keenta intabadan bulshadu ay wajahdo fakhri iyo dar-xumo. Musuqmaasuqu wuxuu abuuraa in dadka ay ka dhexsameysanto dabaqado kala sareeya ee xagga nolosha , iyadoo dabaqadu ugu dhaqaalaha badan uguna tirada yar bulshada ay gacanta ku dhigaan awoodihii dhaqaale iyo siyaasadeed ee dalka. Sida la wada og yahay bani-aadamku kama daalo xoolo tabac iyo wax hanti aruursi xitaa haddii la siiyo malaayiin hanti oo koonka taala. , sidaas awgreed dadka dhaqaalaha musuqmaasuqa ku hela marna kama daffaan kama caajisaan, kamana xishoodaan iney dheeraad iyo kororsi sii doonaan. Mudadii dalku ku jiray dagaalada, ayaa waxaa jira dad tira oo hodmay halka inta badan ay ku nool yihiin nolol aad dhaqaale ahaan aad u hooseeysa. Inta badan dadka dhaqaalaha ku helay musuqmaasuqa ayaan ka daali doonin inay raadiyaan wixii ay barteen, taasi waxay caqabad ku tahay dowladnimada iyo in la helo cadaalad bulsho.
  9. Burburinta Anshaxa iyo Qiyamka bulshada: musuqmaasuq wuxuu wiiqaa ugu dambeyna burburiyaa anshaxa iyo qiyamka bulshada, maadaama uu abuuro dhaqan xun oo xatooyo iyo qaataye-qaado ku saleysan. Dhaca iyo wax isdabamarintu waxay gaartay inaan lays kula yaabin oo loo qaado arrinta caadi. In la caadeysto xatooyo iyo khiyaano oo ah wax dhaqan suuban iyo diinteena islaamka ku xun, ayaa waxay muujineysaa heerka aan ka gaarnay musuqmaasuq iyo sida aan laysula yaabeen. Inta bulshada u dulqaadaneyso musuqmaasuq oo ay qabiil ku difaacayso shaqsi dhacay xoolihii dadka masaakiinta ah, in la helo nidaam cadaalad iyo horumar noo keenaa waa aan dhici Karin. Sidaas darteed, musuqmaasuqu maaha caqabad keli ku ah dowlad laakiin wuxuu dhibaatada ugu weyn ku hayaa bulshada.
  10. Adeeg bulsho iyo horumar la’aan: dhibaatooyinka musuqmaasuqu keeno waxaa ka mid ah in dhaqaalihii loogu talo galay adeegyada bulshada ee asaasiga ah sida caafimaadka, biyaha, waxbarashada, wadooyinka iyo korontada ay ku dhacdaan jeeb iyo akoon qof ama koox gaar ah ay leedahay. Marka dhaqaalihii lagu fulin lahaa adeegyada asaasiga ee bulshada waxaa dadku soo wajahda dhibaatooyinka keena dhimasho, aqoon daro iyo horumar la’aan. Musuqmaasuqa iyo daciifnimo hay’addaha dowladda ayaa waxay keentaa in bulshadu aaney wax adeeg bulsho la taaban karo

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*