December 10, 2019

Naadiga AC Milan Oo Heshiis Lagaartay Zlatan Ibrahimovic


Laacibka  Reer  Sweden ayaa maalmihii u danbeeyay wada hadal kula jiray madaxda kooxda AC Milan isava oo kala xaajoonayay suurta galnimada uu ugu biiri karo kooxda San Siro.

Ibrahimovic oo katirsan kooxda LA Galaxy ee dalka maraykanka ayaa dib ula midoobay kooxdiisi hore Milan, taas oo ku qaadatay heshiis amaah ah.

Gazetta dello Sport ayaa shaaca ka qaadday in AC Milan ay Zlatan Ibrahimovic lagaartay heshiis 6-bilood ah, kaa soo ku qaadanayo adduun dhan 2.2-malyan oo gani.


Kooxda tababare Gatusso ayaana dooq u haysata in ay heshiiska ku darsato hal sano oo dheeri ah oo ay sii haysanayso joog dheeraha deer Sweden.


Milan ayaana doonaysa in ay Zlatan ku buuxiso booska Gonzalo Higuain kaas oo kooxda kaga maqan ganaax iyo dhaawac is biirsaday.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*