Madaxweeyne Farmaajo Oo Safaro Badan Ku Galayo Mudo Bil Gudahed In Ka Badan Shan Safar


Madaxweynaha  Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo ay kaga qeyb galayaan shirka dhaqaalaha badaha.

Shirkan oo socon doona muddo saddex maalmood ah ayaa laga arrinsanayaa horumarinta dhaqaalaha badaha, gaar ahaan dhinacyada la xiriira maalgashiga, sare u qaadista fursadaha shaqo ee dhallinyarada, yareynta saboolnimada, horumarinta tiknaloojiyadda kalluumaysiga, badbaadada iyo ilaalinta hannaanka caalamiga ah ee marinnada badda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shirkan ku soo bandhigaysa qorsheheeda la xiriira maalgashiga casriyeynta dekadaha, kobcinta dalxiiska iyo kaabeyaasha dhaqaalaha ee magaalooyin xeebeedka, maadaama Soomaaliya ay leedahay xeebta ugu dheer qaaradda Afrika.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa marar badan ka digtay kalluumeysiga sharci darrada ah ee badaha Soomaaliya iyo shirkadaha shisheeye ee burburkii dalka kaddib sida sharci darrada ah ugu shaqeysanayey, iyadoo haatan dib loo xoojinayo tallaabooyinka sharci ee lagaga hortagayo arrinkaas.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shirar badan la yeelan doona qaar ka mid ah Madaxweyneyaasha iyo masuuliyiinta ka soo qeyb galaya shirka, isagoona kala hadlaya sidii Dowladda Federaalka Soomaaliya loogu gacan siin lahaa qorsheyaasha ku saabsan horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo maalgashiga dalka.


Shirkan waxaa si wada jir ah u soo qaban qaabiyey Dowladaha Canada, Japan iyo Kenya, iyadoona ay ka soo qeyb gali doonaan in kabadan 4000 oo qof oo isugu jira mataleyaal dalal, ganacsato iyo xeeldheereyaal arrimaha dhaqaalaha iyo badda.


Si kastaba Ha ahaate Safarka Madaxweeynaha ayaa Naqanaya safarkii ugu badnaa uu Mudo Bil ah uu ku tago wadamo badan sida Itobiya Italia Turkiga Uganda Iyo Keenya Waxaana lagu Micneeyaa In ay Maanta Heeysato Hadaladii uu Ku Dacaayadeeyn Jiray Madaxdii Asiga Ka Horeysay Asagoo Dhihi Jiray Waa Madax Safaro Badan Oo aan Waxna Ku soo Kordhinaynin Waxa ayna isticmaalayaan Dhaqaalaha Shacabka Somaliyeeed.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*