DHAGEYSO: Xildhibaan C/laahi ” Madaxda Dowladda Ayaa Hanjabaad u Diraya Xildhibaanada Iyo Warbaahinta”


Xildhibaan Cabdulaahi Maxamed Nuur oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa warbaahinta u sheegay in Madaxda dowladda Soomaaliya in uu Hanjabaad uu kala kulmay.

Waxaa uu sheegay in 48 saac ee lasoo dhaafay dhanka Xukuumadda uu kala kulmay Handadaad ballaaran oo loogu sheegayay in uu ka baxo Arrimaha Maaliyadda oo uu maalmihii la soo dhaafay ku howlanaa.


Xildhibaanka ayaa sheegay in ay jiraan dad kale oo Xukuumnadda Soomaaliya ay u hanjabtay, qaarna ay xirtay taasina ay tahay wax laga xumaado.

Hay’addaha kala duwan ee dowladda ee ay khuseyso ayuu sheegay xildhibaanka in uu u gudbin doono Cabashadiisa, si ay wax kaga qabtaan.


Hadalka Xildhibaanka ayaa yimid ka dib  markii dhawaan uu sheegay  xoghayaha ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed in ay jiraan Suxufiyiin dowladda handaday iyo kuwo ay xabsiga dhigtay, taasina ay tahay wax laga xumaado.

Si kastaba Ha ahaatee Waxaa layaab ah Xukuumada uu Hogaamiyo Madaxweeyne Maxamed Farmaajo Iyo R/wasaare Kheeyre ay isku bedeshay kuwa Dhibaato Xoogan Ku hayo Qofkii ay kala aragti duwanaadaan Iyo Qofkii Yiraahda Waxaa Loo baahan yahay in la xisaabtamo Iyo Qofkii Warbaahinta la hadlo in ay Handadaado kala duwan u sii marsiiyaan warbaahinta Iyo Si Toos ah Waxaana Markaati ah Qudbadii uu Madaxweeyenaha uu ka jeediyay xafladii uu ku qabtay Magalada Nairobi Taasi Oo aheeyd “Siyaasiga Xanaaqsan” Waana nasiib daro in hadal noocaas ah in uu ka soo yeero mas,uul sare waayo dalkaan waxaa uu soo maray bur-bur xoogan waqtigaan waxaa loo baahan yahay waa in bulshada si wanaagsan loogu adeegaa lagana qanciyaa waxa ay tabanayaan ma ahan in Shaqadii Qaranka Lagu Soo Gaba gabeeyo Sawiro Iyo Qudbado aan Micno Laheeyn Iyo in Maamulo la dumiyo ayadoo loo adeegsanayo Hantidii Qaranka soomaaliyeed uu lahaa.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*