Guddoonka Barlamaanka Somaliya Iyo Dowlada Somaliya Oo Ka Soo Horjeeda “Ilaalinta” Maamulka Maaliyadda Dalka


Warbixinta Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorshaha, iyo La Xisaabtanka Hay’adaha Dowladda (GMMQXHD) ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya (BFS) iyo dooda la hor istaagay waxay shaaca ka qaadeen baahida loo qabo in si deg deg ah wax looga qabto musuqmaasuqa hareereyay dhaqangelinta (Implementation) Miisaaniyadda 2018 iyo guud ahaan maamulka maaliyadda Qaranka. Shaki kuma jiro in Guddiga Maaliyadda dhibaato badan ka soo maray helitaanka iyo habeynta xogta xisaab xirka ku faahfaahsan warbixinta waafaqsan maamulka Dowladeed. Laga bilaabo Jannaayo 2017 ilaa maanta, Wasaaradda Maaliyadda lagama hayo xisaab xir rasmi ah oo la tix-raaci karo, taaso astaan u ah maamulxumo iyo musuqmaasuq. Waa musiibo Qaran in Guddoonka BFS ka soo horjeedo gudashada xilka Ilaalinta Maamulka Maaliyadda Dalka.

Warbixinta Guddiga Maaliyadda waxaa la qaybiyay kalfadhiga Barlamaanka 20kii Nofember 2018. Wareysi uu siiyay Idaacadaha gudaha iyo dibedda ka sokow, Jawaabta Wasiirka Maaliyadda waxaa la qaybiyay lana jeediyay Kalfadhiga Barlamaanka 24 Nofember 2018. Sidaa darted, danta dalka iyo dadkaba waxay ku jirtaa in BFS gunaanado si daahfuran doodda si loo xaqiijiyo hagaajinta maamulka Maaliyadda dalka iyo wada shaqeynta Barlamaanka iyo Wasaaradda Maaliyadda, Xisaabiyaha Guud, Bankiga Dhexe, iyo Hantidhowraha Guud. Kala diridda Guddiga oo loo cuskaday sababo aad u liita oo takrifal ah  waxay dhirrigelineysa fowdo iyo burburka nidaamka dowladnimo iyo inaan waxba laga qaban musuqmaasuqa caqabadda ku ah nabadda iyo taabbagalka dowladda Soomaaliya.


Shaki kuma jiro in 10ka Xildhibaan ee 4 maalmood kaddib Barlamaanka ka sheegay inaysan wax ka ansixin Warbixinta Guddiga uu saameyay Musuqmaasuqa aafeyay Dowladnimada Soomaaliya. Waajibka Guddoonka Barlamaanka waa ilaalinta habsami u socoshada xilgudashada xildhibannada Barlamaanka iyo Guddiyadiisa loo abuuray inay fuliyaan shaqooyin joogto ah oo lagu higsanayo maamul wanaag.  Waxaa xusuus mudan in Wakiillo ka socda Bankiga Adduunka (WB) oo dabajooga wax ka qabashada Maamulxumida Maaliyadda Soomaaliya ay xiriir wada shaqeyn iyo tababar u fidiyeen Guddiga Maaliyadda si ay ugu baraarujiyaan gudashada xilkooda ku aadan ilaalinta Maamulka hantida Qaranka iyo la dagaalanka Musuqumaasuqa. Waa nasiib darro in Guddoonka BFS hor istaago gudashada xilkaas. Waxaa maadeys noqday in Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee BFS yiraahdo Isticmaalka Emailka (IT) ma ahan xalaal ama lama oggola.

Hal Xildhibaan oo matalaya ilaa 50 kun muwaadiniin ah wuxuu awood iyo xaq u leeyahay inuu soo bandhigo musuqmaasuqa iyo khaladaadka Laanta Fulinta lagu tuhunsan yahay, lana sameeyo dabagal iyo baaris. Soomaaliya waxaa soo maray dowlad Rayid ah oo Ciidammada dalka xukunka uga tuureen eex iyo maamulxumo darted iyo dowlad Militeri ah oo Jabhado hubeysan xukunka uga tureen cadaalad darro iyo musuqmaasuq darteed. Soomaaliya kuma dhalan karto, kumana noolan karto dariiq lagu burburay.

Qodobo gogoldhig ah:

  1. Dowlad kasta waa inay ku shaqeysa Miisaniyad sharci ah oo laga ansixiyay Wakiillada Shacabka (Barlamaanka ama Gole deegaan). Dowladdu ma qaadi karto canshuur iyo khidmo, mana qaadan karto amaah haddii uusan jirin sharci u oggolanaaya. Sidoo kale, Dowladdu ma bixin karto kharaj aan horey sharci ugu oggolaan.
  2. Helitaanka Deeqda kabidda Miisaaniyadda waa howl u baahan dadaal siyasadeed iyo mid maamul oo dhib badan.
  3. Dhaqangelinta Miisaaniyadda waxaa u xilsaaran Laanta Fulinta (Executive Branch), gaar ahaan Wasaaradda Maaliyadda;
  4. BFS wuxuu u xilsaaran yahay ansixinta Miisaaniyadda ku tala galka ah, la socoshada, dabagalka, iyo baarista dhaqangelinta Miisaaniyadda la ansixiyay iyo oggolaanshaha wax ka beddelkeeda haddii loo baahdo, iyo ugu dambeyn ansixinta xisaab xir sannadeedka uu Hantidhowraha Guud soo xaqiijiyay in dhaqangelinteeda waafaqsan tahay sharciga Miisaaniyadda, Xisaabaadka iyo Dhaqaalaha.
  5. Wasaaradda Maaliyadda ayaa laga rabaa inay si joogto ah ugu gudbiso BFS xog hufan, dhammeystiran maalin kasta, usbuuc kasta, bil kasta iyo sannad kasta. Hase yeeshe, xaqiiqada waxay tahay in Laanta Fulinta, gaar ahaan Wasaaradda Maaliyadda iyo hay’adaha kale ay ka cagajiidayaan u hoggaansanaanta sharciga gudbinta iyo la wadaagidda xogta BFS iyo Shacabka waqti munaasib ah. Bankiga Dhexe waxaa laga rabaa inuu gudbiyo xisaab xirka dhaqdhaqaaqa Xisaabta Khasnadda Dowladda (Treasury Account). Hantidhowraha Guud waa Hay’ad kaabeysa xilgudashada BFS.
  6. Shacabka Soomaaliyeed ma rumeysan karo in Madaxda Dowladda Federaalka daacad ka yihiin la dagaalanka Musuqmaasuqa ilaa laga dhammeystirayo Dastuurka Qabyada ah, laga helayo Garsoor madaxbannaan, laga dhaqangelinayo sharciyada madaxbannanida Hantidhowraha Guud, Xisaabiyaha Guud, Bankiga Dhexe, Guddiga la dagaalanka Musuqmaasuqa, Guddiga Xuquuqul Insaanta, isla markaana laga joojinayo xildhibannanada loo magaacaabayo Golaha Wasiirrada ama la laaluushayo.

Madaama ay muuqato in Wasaaradda Maaliyadda baalmartay warbixinta Guddiga Maaliyadda ama u bareertay olole jaahwareerin, waxaa halkaan hoose ku qodobeysan nuxurka Warbixinta ka kooban 14 bog oo aysan ku jirin lifaaqyo ku xusan, waxaana loona qaybin karaa 2 qaybood:


  1. 8da Bog ee ugu horreeya waxay qeexayaan maamulxumada iyo ku tumashada sharciga maamulka Miisaaniyadda iyo Xisaabaadka ee loo jeediyay Wasaaradda Maaliyadda. Waxaa xusid mudan in warbixinta Guddiga aysan sheegeyn lacag la xaday, waxayna dalbeysaa in Hantidhawraha Guud soo baaro dakhliga iyo kharajka aan waafaqsaneyn Sharciga.
  2. 6da Bog ee ugu dambeeya waa shax muujineysa: Is barbardhigga dakhliga ku tala galka ah iyo kan soo xarooday 8 bilood; 2. Kharajka ku talagalka ahaa, Kharajka Isbeddelka  Wasaaradda Maaliyadda sameysay iyo kharajka dhabta ee baxay 8 biloodShaxda waxaa ku cad:
  3. Ku talagalka Dakhliga iyo kharajka Guud ee Miisaaniyaddad 2018 wuxuu yahay $274,630,191.
  4. Dakhliga Guud ee dhabta ah oo ka kooban Gudaha iyo Dibedda oo soo xarooday 8 bilood Jannaayo ilaa Agoosto wuxuu yahay $156,717,203.53.
  5. Dakhliga Guud ee dhimman 4 bilood (Setember ilaa Disember 2018) waa $117,912,987.48. Shaxda ayaa muujineysa Madaxyada Dakhliga gudaha iyo dibedda ka soo galeen iyo wixii hoos u dhac iyo koror ahba. Xisaabta kor ku qoran waxay muujineysa hoos u dhac guud ee dakhliga ku talagalka 2018.
  6. Shaxda Kharajka waxay muujineysa in Wasaaradda Maaliyadda isbeddel ku sameysay Qoondooyinka Kharajka ku talagalka Miisaaniyadda la ansixiyay 2018, taaso sharcidarro ah.
  7. Kharajka baxay 8da bilood Jannaayo ilaa Agoost 2018 waa $ 152,582,958.
  8. Farqiga dakhliga iyo kharajka dhabta ah ee 8 bilood waa $156,717,203.52 – 152,582,958= Haraa $ 4,134.245.52.
  9. Hoos u dhaca dakhliga guud waxaa ka dhashay hakinta bixinta kharajyo la oggolaaday. Taas waxay keeneysaa hoos u dhaca waxqabadka dowladda iyo kororka deynta gudaha. Arrintaas waxay fasireysa in hay’ado badan ee Dowladda Federaalka aysan helin kharajka howl socodsiinta (Running Cost). Lama oga deynta DF qabto.
  10. Guddiga wax kama sheegin arrimo badan ee la xiriira Maamulka Maaliyadda dibedda iyo Gudaha sida habka wax iibsiga dowladda, canshuur dhaafka dekedda, Qandaraasyada, heshiisyada lala galay shirkado ajnabi ah ee Dowladda Iidheh u sameynaya, Mashaariicda, iyo wareejinta dhex marta DF iyo Dowlad Goboleedyada.
    • Qeexidda Maamulxumada Warbixintu tilmaantay:

     

    1. Xisaab Xirkii 2017 oo weli laalan.
    2. Bankiga Dhexe oo si sharci darro ah ula wareegay awoodda amar bixinta kharajka ee Xisaaabiyaha Guud iska leeyahay.
    3. Lacago laga soo ururiyay hay’ado gaar loo leeyahay (Rayid ah) oo Wasiirka Maaliyadda maamulayo si aan waafaqsaneyn sharciga xagga soo ururinta iyo xagga bixinta kharajka.
    4. Canshuur la rabay in laga qaado hay’adaas gaarka loo leeyahay oo aan weli la hirgelin.
    5. Lacag dhan 20 milyan doolar oo Boqortooyada Sacuudiga bixisay hase yeeshe aan ka muuqan Miisaaniyadda 2018.
    6. Lacag dhan 3 milyan doolar oo laga wareejiyay si sharci aheyn Madaxa Miisaaniyadda “Adeegga Dowladda” loona isticmaalay si aan sharci aheyn.
    7. Deeqda kabidda Miisaaniyadda aan la helin, loona baahan yahay xogwarran.
    8. Lacagtii loo qoondeyay “Keyda lama Filaanka/Curaarta” oo dhan $2,532,866.86 oo 5% loo isticmaalay ujeedoo ka duwan tii loogu talagalay.
    9. Lacago Mashaaric loogu tala galay oo aan loo isticmaalin ujeedadii loogu talo galay.
    10. Fulin la’aan go’aammadii ku lifaaqnaa ansixinta Miisaaniyadda 2018 sida dhowrista awoodda kala wareejinta xafiisyada dhexdooda, soo gudbinta warbixinta maaliyadda bil kasta iyo warbixinta 10 biloodka, soo gudbinta sharcigii canshuuraha, keyda lama filaanka ah, liiska deymaha gudaha ee Dowladda lagu leeyahay, iwm.
    11. Fulin la’aan go’aankii ahaa in Barlamaanka Federaalka la horkeeno Miisaaniyadaha Gobolka Benadir (Dowladda Hoose ee Muqdisho).
    12. Qoondooyin dheeraad ah ee loo qoray Hay’ado ka tirsan Dowladda taaso ka baxsan Oggolaanshihii Miisaaniyadda 2018.
    13. Bixin la’aan lacag dhan $ 8,400,000 oo loo qoondeyay xildhibannadii iyo shaqaalihii hore ee Barlamaanka Federaalka, lacagtaasoo qaar si khaldan loo isticmaalay, isla markaana xildhibannadii iyo xuquuqdii shaqaalihii lahaa aan ilaa maanta la siin.
    14. Inaan la diiwaan gelin Ciidammada dalka marka la reebo 5,400 ciidan, taaso hortaagan taagerada dibedda. Islaa markaa, Wasaaradda Maaliyadda ma fulin in askariga la diiwan geliyo loo kordhiyo mushaarka $ 50.00 (konton) bishii.
    15. Inaan la dhowrin mudnaanta kala hormarinta kharaj bixinta.
    16. Maamulka Gobolka Benadir (Dowladda Hoose ee Muqdisho) oo musuqmaasuq ballaaran iyo fowdo maamul ka taagan tahay. Gobolka ma lahan Miisaaniyad ku talagal iyo Gole matala Shacbiga deegaanka oo ilaaliya maamulka hantida Ummadda. Wasaaradda Maaliyadda waxay siisaa Gobolka Benadir 15% dakhliga ka soo xarooda Dekedda Muqdisho. Sidoo kale, Gobolka wuxuu toos u qaada canshuuro kala duwan. Warbixintu waxay caddeyneysaa in muddo 6 bilood ah – Jannaayo ilaa Juunyo 2018, Gobolka Benadir soo galay dakhli dhan $17, 713,086.26 waxaana baxay kharaj dhan $16,776,631.80, oo aan inta badan wax dokumenti ah laga hayn ama aan lagu bixin hab waafaqsan sharciga xisaabaadka iyo Maaliyadda Dowladda. Lacagta haraaga ah waa $ 936,454.46
    17. Khasnajiga Dowladda Hoose ee Gobolka Benadir wuxuu Bankiga Dhexe ka soo qaday lacag dhan $ 5,972,085.82, lamana arag wax caddeynaya in dadkii loo soo qaaday la siiyay ama la gaarsiiyay.
    18. Mushaarka shaqaalaha Gobolka Benadir oo laga gooyo 30% sabab la’aan.
    19. Jiritaanka Shaqaale mushaar ka qaata meelo kala duwan ama shaqaale aan jirin ama aan la aqoon shaqada ay qabtaan oo mushaar ka qaata Gobolka Benadir iyo Wasaaradda Maaliyadda. Sidoo kale Hay’ado ayaa lacag ka qaata Gobolka Benadir.

    20. Dr. Maxamud M Culusowmohamuduluso@gmail.com

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*