February 23, 2020

Muxuu Yahay Amarka uu Ku Soo Rogay R/Wasaare Kheyre Gollaha Wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya


R/wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, oo guddoomiyay kulankii maanta ee golaha wasiirrada ayaa faray dhammaan wasiirrada xukuumadda in ka hor dhammaadka bisha December ay dhamaystiraan hawlaha uga harsan qorsha hawleedka Sanadka 2018-ka.


R/wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in dhammaystirka qorsha howleedka sannadkaan ay fududaynayso in si fudud loogu gudbo qorshayaasha qaran ee sanadka 2019


Kulanka golaha wasiirrada ee maanta ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay dhammaan warbixinno iyo hal-beegyada tubaha ee qorshuhu ahaa in fulintooda lagu guulaysto sannadkaan dhammaadka ah.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*