Halista Isticmaalka daawada Tramadol iyo saamaynta Caafimaad ee ka dhalan karto W/Q: Dr Hassan


taramidool (Tramadol ) waa daawo xanuun baabi’iye ah waxa loo isticmaalaa xanuunada daran sida kuwa jilbaha, kala qoysyada iyo xanuuno waqtiga badan jiray , wuxuu ka mid yahay dawooyin badan oo si qaldan loo isticmaalo taasina ay ka dhalato in uu qofku la qabsado mar walbana uu ku tiirsanaado isticmaalkeeda.

Soomaaliya marki la joogo dadka ugu badan ee isticmaala sida ay ii sheegeen dadka ka ganacsada dawooyinka waxaa ka mid ah dhalinyarada kubbada ciyaara , dadka shaqooyinka adag qabto sida dadka faryaamoolayda ,dadka kaawada qoda, doonlayda, ragga biraha tuma, Kirishbooyada dadka socodka dheer galo, askarta iyo weliba gabdhaha qaar oo isticmaala markii ay dharka dhaqaayaan kuwaas oo la qabsada isticmaalkeeda.

Tremadol wuxuu ka koobanyahay cirbad iyo kaniini.

Qofka marki uu isticmaalo waxuu ka helaya ama dareemayaa farxad , xanuun baabi’in , awood dheeraad ah.

Haddii xadiga laga isticmaalo uu bato wax yaabaha ka dhasho waxaa ka mid ah qalal, qaraaca wadnaha oo yaraado ,neef qaad iyo inuu qofku miir daboolmo(kooma).


Dadka la qabsadaa isticmaalka tremadol calaamada lagu arkaa waxa ka mid ah: Walwal iyo walbahaar dabeecadiisa oo mar walbaa is bad badalayso, tuhun badan, baqdin badan ,muuqaalka qofka xun ,nadaafad darro, dhaawacyada cirbadaha uu dawada ka qaato , daal badan , nadaafad darro hurdo xumo , nafaqo xumo , lacag ku dheelid .qofka oo ka fogaado sxbadisa iyo qoyskiisa isagoo sxb ka dhiganayo dadka sidiisa oo kale ah.


Talo soo jeedin:
In ay dhaqaatiirta ku taqasusta la xariiraan iyo xaruumaha lagu daweeyo .
Inay la wadaagaan dhibaatada haysata xubnaha qoyskooda .
In ay ka fogaadaan sxbada xun .
Inaanay dawo danbe oo aanan dhaqtari usoo qorin isticmaalin.

W/Q: Dr Hassan Ali Indhoy

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*