FIIRSO:Nabaddonada Ka Soo Jeeda G/SH/Dhexe Oo Ka Hadlay Dagaalada Ka Socda Degaanada Hiraan Iyo G/SH/DHEXE


Ayadoo uu  Maalmahaan Ka Socday Dagaal Beeleed u dhexeeya Laba Maleeshiyo Oo Ka Soo kala Jeeda Gobalada Hiiraan Iyo Sh/dhexe ayaa Waxaa La Soo sheegaya In Maleeshiyo Ka Soo Jeeda G/Hiiraan ay Weeraro Gaadmo ah ku soo qaadeen Dad shacab ah Oo Ku Noolaa Degaanada Sida Ceelbaraf ,Adenyabaal Ceeldheere  Oo Ka Tirsan G/SH/DHEXE.

Sidoo kale Weerarkaas ayaa la sheegayaa In loo adeegsaday Hub ay dowlada Somaliya Leedahay Waxaana Ka Mid ah Sida ay Sheegeen Nabadoonada Ka Soo Jeeda G/SH/DHEXE  Qoriga Dabajeex AK47 Iyo Jebshayaal Iyo Bambooyin  Mid ka Mid ah ayaa Sheegay”Waligeen waa dagaalami jirnay Balse lama arag Hubka ay Maanta Ku so weerareen Dadka Shacabka ah Waana Hubkii Qaranka Soomaaliyeed”

Kulan ay Maanta  Isugu Yimaadeen Nabadoonada G/SH/DHEXE ayaa Cambaareeyay Madaxweeynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayagoona Ku Tilmaamay In uusan wali ka hadlin dagaal beeleedka ka socda Degaanada Hirshabelle, Sidoo kale Waxa  ay Ku eedeeyeen In dhaawacyadii Maleeshiyada Ka socotay Hiiraan Lagu Soo Daabulo Diyaarado Iyo Gawaarida AMISOM Halka Kuwa Kale Lagu Soo Qaadayo Wadooyin Qarda Jeex ah Waa Sida ay sheegeen . 

Dhinaca kale Waxa ay ku eedeeyeen Ciidamada AMISOM qeybta Hiiran in ay iyagu ay siiyaan Hubka, iyagoona ugu baaqay in ay Dhex dhexaad ka Naqdaan .

Nabadoonadii Maanta Kulanka Isugu Yimid Waxaa Ka Mid ah 


1:Nabadoon C/Raxmaan axmed Cabdule ( Qaloosho)

2:Nabadoon C/Raxmaan Jimcaale Cali

3:Nabadoon Axmed Maxamuud Nuur (  Axmed Jowhar)

4:Cumar Maxamuud Cali 

5:Garaad Ismaacil Macalim 

Ugu Danbeeyntii Waxa ay Nabaddonada  Soo jeediyeen in Dowlada Somaliya Iyo Dowlada Hirshabeelle  ay Meesha Ku Baxaan Oo Waxa ka socda ay Joojiyaan Waxaa kale ay uga Digeen Dadka ay Hubeeynayaan ee Macaawiisleeyda la baxay In ay ka fiirsadaan Oo aan Hubkii Qarankii Lagu  Wareejin Haddi kale Waxa ay Ku Xasuuqayaan  Shacabka Soomaaliyeed, 


Si kastaba Ha ahaatee Dagaaladaan Iska Socda ayaa ah Kuwa aan Faaido u Laheeyn Labada shacab Waa Khasaaro Aduun Iyo Akhiro Waxaa Wanaagsan In nabad Lagu wada Noolaado,

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*