Soomaaliya Oo Martigelineysa Ciyaar Caalami ah 30 Sano Kaddib


Xiriirka Kubbadda Cagta ee Soomaaliya ayaa xaqiijiyey in xulka ka yar da’da 20 jirka ay casuumi doonaa dhiggooda Ereteriya, ciyaar saaxiibtinnimo oo Muqdisho ka dhacaysa 16-ka bishan Febraayo.

Ciyaarta ka dhacaysa garoonka Banaadir waxay noqonaysaa ciyaartii ugu horreysay oo heer caalami ah oo ay martigeliso Soomaaliya muddo 30 sano ka hor.

Walaaca nabadgelyada ayaa ku qasbaya in Soomaaliya ay ku ciyaarto goobo dhexdhexaad ah ama meel ka fog gurigoda.

‘Mustaqbalka nagu soo aaddan waxaan casuumi donnaa tartanka bariga iyo bartamaha Afrika ee Cecafa’ ayuu yidhi Cabdiqani Siciid Carab, oo ah madaxweynaha Xiriirka Kubbadda Cagta ee Soomaaliya.

‘Hadda waxaannu haysannaa nabad taas oo dalka kusooo celisay, waanaann ku faraxsannahay inaanu ugu danbayn martigelin doonno ciyaar heer caalami ah, soddon sano kaddib’


Carab, sida oo kale waa madaxweyne ku-xigeenka xiriirkaa Bariga Iyo bartamaha ee Cecafa

‘Dadkayagu aad bay ugu xiisa qabaan inay daawadaan ciyaartaas caalmiga ah’ ayuu ku sii daray hadalkiisa.

Ciyaartii u danbaysay ee Soomaaliya martigelisaa waxay ahayd 1988, kolkaas oo soomaaliya la ciyaaraysay Mauritius ciyaar ka tirsan isreebreebka Olombikada oo Muqdisho ka dhacday.


Tan iyo 2015-kii, xiriirka Kubbadda Cagta ayaa dhigay caws macmal ah garoonka Muqdisho, oo lagu ciyaaray horyaalka Soomaaliya markii koobaad 2017-kii, soddon sano kaddib

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*