FALLO:Siyaasi ma ihi !!! Qeybtii 1-aad. Qore (Prof: Yahye Amir)


Ergayga UN.

Siyaasadda cilmi ahaan uma baran, Xil siyaasadeedna ma qaban, waana sababta aan kuu leeyahay walaaloow i fahamsii.

Waxa aanan fahmin.

Xoghayaha Guud ee JQ, Mr. Antonio Guterres ayaa 14/3/2019 u magacaabay wakiilka Xoghayaha Guud ee JQ ee Geeska Afrika in uu noqdo Mr. Parfait Onanga- Anyanga, waana markii ugu horeeysay ee Xil nuucaa ah ey UN magacaawday.


Mr.Parfait Onanga, oo u dhashay Dalka Gabon, waxa uu Cilmiga political science Ku bartay Jaamcadda Paris 1 Panthcon Sorbonne University, kadibna waxa Shahaadad MA uu Ku qaatay Cilmiga Sociology, Kana qaatay Jaamacad Omar Bongo ee Dalka Gabon.
Weligii hal mar ayuu Dalkiisa u shaqeeyay oo uu xubin Ka noqday ergada Gabon ee UN, wixii Ka dambeeyay waxa uu ahaa Shaqaale UN.

Magacaabidaan waxa ey dhacday, Ka dib markii Xilka ey Dowlada Somalidu ka qaaday wakiilkii Xoghayaha Guud ee Somalia Mr. Nicholas Hayson, oo aan dhahnay waa PNG, Dadku tan oo kaliya ayeey ogyihiin ee Sannadkii hore ayaa Somalidu Dalka Ka eriday Wakiiladii Midawga yurub u fadhiday Somaliya,Marwo Ambassador: Veronique Lorenzo.

EU waxa hore ey u leheyd wakiil u xisaabsan Geeska Africa Mr.Alexander Rondos, Laakin xil noocaa ah hore UN loogama baran.

(( ilaa hadda Somaliya ma joogaan wakiiladii Midawga yurub iyo UN)).

Gaboon oo ah Dal Ka mid ah Xulufada Faransiiska oo Luqadooda rasmiga ahi ey tahay Af Faransiis ayaa loo soo magacaabidaan Xilkii wakiilka UN ee Geeska Afrika oo dhan, waxa uu awood u leeyahay in uu si gooni ah ula macaamilo Somaliland.


Wax yar kadib waxaa yimid Geeska Africa madaxweynihii Faransiiska Md. Emmanuel Macron.

Sidee wax u jiraan? Fadlan i fahamsii.

La soco Qeybta 2aad ee Siyaasi ma ihi.

Qore: Yahya Amir

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*